Beesha Makaahiil Isaaq Sacad oo Shaacisay inaanay ka qayb-gali doonin Ergooyinka Shirweynaha Xisbiga Kulmiye

0
411

SULDAANKAHargeysa (CodkaHargeysa)- Beesha Makaahiil Isaaq oo ka mid ah beelaha Sacad Muuse, ayaa shaaca ka qaaday in aanay ka qayb-galayn Shirweynaha Xisbiga KULMIYE oo ay saluugeen saamiga laga siiyey ergooyinka beeshooda looga qoondeeyey shirweynaha xisbiga, waxaanay uga digeen cid kasta oo ku abtirsata magaca Makaahiil Isaaq oo ka qayb-gasha tallaabo laga qaadi doono.

Sidaasi waxa lagu sheegay shir-jaraa’id oo ay maanta Hargeysa ku qabteen madax-dhaqameed iyo wax-garadka Beesha, kaas oo lagu shaaciyey shirweyne beeshu aayaheeda siyaasadeed kaga tashanayso.

Ugaaska Beesha Makaahiil, Ugaas Maxamed Cabdilaahi oo ugu horayn halkaasi ka  hadlay, ayaa ka hadlay sababaha ay beeshu u qaaddacday shirweynaha Xisbiga Kulmiye oo uu ku tilmaamay mid beeshu tabaceeda iyo taageeradeeda u hurtay balse ay kala kulmeen hungo iyo wax aan beesha cadkeeda u qalmin.

“Ummadu in ay xaqeeda ka hadasho waajib ayey u leedahay, dulmi in uu qofku qaato ma ah, Imika waxaynu ka hadlaynaa Xisbiga kulmiye, xisbiga kulmiye maalintii la aasasay illaa maanta nafta inagaga baxday sida umada kaleba, xisbiga kulmiye markii doorashadii hore ee Madaxtooyada laga helay illaa intii tanbe ee uu ku guuleysanayey kursiga intaaba mucaaridbaynu la ahayn, Beesha Makaahiil dhibaato adag ayaa ka soo martay, wakhtigii aynu mucaaridka ahayn, runtii waa nasiib darro in wiixi aynu intaas oo dhan ku soo tabcaynay in aynu maanta cad quudheed layna siiyo umaynaan qalmeyn, dadka waxa kali ah ee deeqa waa cadaalad, Xisbiga Kulmiye waxeeni waynu ka weynayn wuu ina dulmay, cadaalado darru inagu sameyey, shacbigii soos aaray ayuu kala godobsaday, Beeshenu xisbiga kulmiye waxay siisay Codkii ugu badnaa, lakiin maanta beesha makaahiil waxa ka nasiib badnaaday kuwii ridayey, marka beesha,”ayuu yidhi Ugaas Maxamed Cabdilaahi

Suldaan Maxamuud Siciid oo ah Suldaanka Guud ee beesha Makaahiil oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa baaq u diray guud ahaan dadweynaha beeshasi ku abtirsada in ay isku yimadaan kulan ay ayahooda kaga tashanayan, waxa kale oo uu nasiib darro ku tilmaamay qaybta yare e beesha la siiyey, Waxa uu yidhi. “Waxanu  Shirkan Jaraa’iid u qabanay, in aanu ku qaadacno ka qaybgalka shirweynaha Kulmiye iyada oo beesha makaahiil la siiyey waxaan u qalmin, waxa kale oo aan diidanahay ragga wasiirada ee kulmiye ee beesha sacad muuse waxa u qaybiyey, beesha makaahiil may helin waxa u qalba, raga qaybta noo qondeyey waanu ognahay,” ayuu yidhi Suldaanku isaga oo ku baaqay Shirweyne beeshu aayaheeda tabashanayso oo laysugu yimaaddo.  

Beesha Makaahiil oo ah beelaha ugu miisaanka culus ee taageeradooda u hibeeyey xisbiga Kulmiye, ayaa go’aankooda ay maanta shaaciyeen saamayn taban ku yeelan karaa qabsoomidda shirweynaha xisbiga oo tirada ergooyinka ka soo qayb-galaya lagu saleeyey beelo. Waxaana go’aankan oo kale shalay qaatay beesha Deerayahan oo ka tirsan beelweynta Jibriil Abokor, kuwaas shaaciyey inaanay ka qayb-gali doonin shirka Xisbiga Kulmiye oo tiraba dhowr jeer qabsoomiddiisu dib u dhacday sababo la xidhiidha khilaafyo siyaasadeed oo ka dhexeeyey Hoggaanka xisbiga iyo beelaha qaarkood oo saluug ka muujiyey qaabka loo xulayo ergooyinka ka qayb-galaya.

 

codkahargeysa.com

info@codkahargeysa.com