Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo ka War-bixiyey Natiijada Socdaal laba todobaad qaatay oo ugu maqnaa waddamo dibadda ah

0
352

Hargeysa (CodkaHargeysa)- Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye, ayaa tafaasili ka bixiyey natiijada socdaal-shaqo oo muddo laba todobaad ku dhow uu ugu maqnaa waddamada Kenya iyo Imaaraadka Carabta oo uu kulamo kula soo qaatay madax ka tirsan waddamadaas.

xaglo (1)Wasiir Xaglo-toosiye oo maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa , waxa halkaas ku soo dhaweeyey Wasiirrada  Gaashaandhiga, Biyaha, Wasiir ku Xigeenka arrimaha gudaha,   La Taliyeyaasha Madaxweynaha ee arrimaha Doorashooyinka iyo Gobolada bari, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka, Isu-duwaha Wasaarada Caafimaadka ee Gobolka Gebilay, Hawl wadeenada Wasaaradaasi, Salaadiin, Madax-dhaqameedyo iyo Saraakiil ka socotay Hay’ada World Vision.

xaglo (2)Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed oo halkaas hadal kooban ka jeediyey, ayaa ka war-bixiyey Natiijada Socdaalkiisa Mudada Tobanka Cisho qaatay, waxaanu sheegay inuu guul ku soo dhammaaday socdaalkiiu isla markaana uu filayo inay fulaan natiijada shirar uu la soo qaatay madaxdii uu la kumay kuwaasoo wax ka tari doona xaalada caafimaad ee bulshada Somalilland.

xaglo (4)Wasiirku waxa uu u mahad-celiyey dhamaanba Xubnihii kala duwanaa ee soo dhawayntiisa ka qayb qaadatay.

xaglo (3)La-taliyaha Madaxweynaha ee Gobolada Bari oo isaguna halkaas Kelmado Soo dhawayn ah ka Jeediyay, ayaa wasiirka ku ammaanay dedaalka uu u gu jiro kor-u-qaadista adeegyada caafimaad ee dalka.

Codkahargeysa.com

info@codkahargeysa.com