Beesha Subeer Awal oo Casuumad u Fidisay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo shalay lagu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa

0
384

Hargeysa (CodkaHargeysa)- Beesha Subeer Awal oo ka mid ah Beelaha waaweyn ee Somaliland, ayaa maanta casuumad qado-sharaf ah u samaysay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil iyo wefti uu hoggaaminayo oo shalay si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa, ka dib wada-hadal muddo laba maalmood ah magaalada Jabuuti ugu qabsaday Wasiirro xukuumadda ka tirsan iyo Garaadka oo ay wehelinayeen xubno ka tirsan kooxda la baxda Khaatumo.

Beesha Subeer Awal oo Casuumad u Fidisay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo shalay lagu soo dhaweeyey magaalada HargeysaMunaasibadda casuumadda loogu fidiyey Garaadka iyo Beeshiisa oo maanta ku qabsoontay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa ka soo qayb-galay Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye, Wasiirrada xukuumadda ka jira beesha Subeer Awal oo ugu horeeyo Wasiirka Maaliyadda Somaliland Md Cabdicasiis Samaale, Salaadiinta iyo Cuqaasha iyo Wax-garadka Beesha.

CodkaHargeysa.com

info@codkahargeysa.com

Hargeysa/Somaliland