Mudane Madaxweyne Wasiir Cukuse Maxaad Ugu Eegaysaa Qabyaaladda, Eexashada iyo iska horkeenka shaqaalaha ee uu Kula Dhex Jiro Wasaaradda Warfaafinta.
Dhawaan ayey ahayd markii wasiirka wasaaradda warfaafinta C/laahi Daahir Cukuse ay ka cawdeen qaar ka mid ah shaqaalihiisa oo sheegay inay meesha ku dulman yihiin ,balse uu wasiir cukuse balan qaaday in uu wax ka qabanayo,koox ka tirsan shaqaalihii ka cabanayey oo maalin dhaweyd ugu tegay xafiiskiisa ayuu wasiirku u balan qaaday in uu wax ka qaban doono cabashadooda,isagoo u balan qaaday oo yidhi hawshiina waan dhamaynayaa balse nasiib daro wuu ku fashilmay in uu wasiir cukuse si cadaalad ah u dhameeyo hawshii uu balan qaaday.
Wasiirka ayaa waxa uu magacaabay malsuuiyiin badan oo isu jira agaasime waaxeedyo iyo madax qaybeedyo waxaanu maroorsaday shaqadii maareeyaha telefishanka qaranka,wasiir cukuse ayaa isu dayaya in uu awooda maamul ee guud ahaanba telefishanka qaranka uu gacanta ku dhigo.
Wasiirka ayaa tan iyo markii uu madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu u soo magacaabay wasaaradda warfaafinta waxa uu wasiir cukuse kula dhex jiray fidno iyo iska hor keen shaqaalaha iyo madaxda kale ee wasaaradda warfaafinta,isagoo mar walna sheegayey in uu cadaalad doonayo ayuu hadana uusan waxba ka fulineyn balan qaadkiisa.
Dadka ka faalooda arimaha siyaasadda ayaa waxay sheegayaan in ay wanaagsan tahay in madaxweyne siilaanyo xilka ka qaado wasiir cukuse ama meel kale u bedelo kol hadii uu wasaaradii loo dhiibay ka dhigay meel khilaafaadka dalku ka soo unkamaan.
Inta badan shaqaalaha iyo madaxda wasaaradda ayuu wasiir cukuse iska hor keenay ,weliba wuxuu hada khilaafkii u sii shubay gaas kadib markii uu ilaa waashmaankii ilaa ilaaliyayaasha bakhaarada uu isagu gacantiisa u maagcaabay taasi oo keenaysa inay dhamaan wasaaraddu is wada qabsato oo ay foodda isla wada gasho,oo ay socon weydo shaqada balaadhan ee guud ahaanba wasaaradu qaranka u hayso.
Marka uu wasiirkii dhamaa magacaabayo ilaa waashmaankii uu xil u magacaabayo maxaa hadhay ee la isugayaa waa qarax weyn oo ka dhex dilaaca wasaaradda warfaafinta kaasi oo uu horsed ka yahay wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland C/laahi Daahir Cukuse.
Qalinkii:Axmed Maxamed Cali
Email:Axmed-1994@hotmail.com
Berbera/Somaliland