Hargeysa (CodkaHargeysa)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay weheliyeen xubno ka mid ah golihiisa wasiirrada, ayaa shalay qasriga madaxtooyada ku qaabilay wasiirka Afrika u qaabilsan Boqortooyada Ingriiska Mr Mark Simmonds oo shalay socdaal ku yimi Hargeysa.
Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis oo kulankaas kadib ka war bixiyey waxyaabihii ay wasiirka ka wada-hadleen, ayaa sheegay inay waxyaabaha laga wada-hadlay u badnaayeen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga Somaliland iyo Ingiriiska, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga iyo deeqaha.
“Waxaannu ka wada xaajoonay iskaashiga Somaliland iyo Ingiriiska sidii loo sii xoojin lahaa, waxaannu maanta Wasiirku caddeeyey in Somaliland tahay qaran nabdoon, waxaananu wadamada jaarka kula nool nahay nabad,waxaanannu la shaqaynaa bulshada caalamiga ah, marka arrimaha amniga timaado,waxaanannu wasiirka u ansixinay in Somaliland tahay qaran amni ah iyo inaannu doonayno sidii aanu u arki lahayn innagoo bulshada caalamka kamid ah,” ayuu yidhi Md.Maxamed Biixi.
Wasiir Biixi waxa kale oo uu tilmaamay in Wasiirka Ingiriiska ay ka wadahadleen shir ganacsiga ku saabsan oo Somaliland ku qabsan doono Ingiriiska, waxaanu yidhi, “Waxaannu Wasiirka ka wada-hadalnay shirka Ingiriiska aanu ku qaban doono ee ganacsiga iyo maalgashiga lagaga hadlayo oo aad muhiim ugu ah dadka Somaliland, waxaanannu ka wadahadalnay qurba-jooga reer Somaliland ee Ingiriiska jooga siday waddankooda waxa ugu tari lahaayeen.”
Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland oo ka hadlay xayiraada socdaalka ee laga qaaday Hargeysa iyo Berbera, waxaanu yidhi, “Waxa aanu maanta aad ugu faraxsanahay oo wasiirku ku dhawaaqay in cunaqabataynta xagga safarka ee aanu muddada badan ka hadlaynay ee aanu waydiisanaynay dawladda inay ogadaan inaannu dal nabada nahay oo xasiloonahay, nagana qadeen, gaar ahaan Hargeysa iyo Berbera, waxaanannu ballanqaadnay inaannu nabada xoojino, waxaanannu wasiirka u sheegnay inaannu nahay dad nabad jecel oo taariikhdooda si fiican loo garanaayo, haseyeeshee xuduudahooda, goonni-isu-taagooda ay mid sugan yihiin oo aan cidna looga daba fadhiisanayn oo aanay ogolaanayn in waddanka gudihiisa lagu qabto shirar dhibaato dalka u keenaya.”
Codkahargeysa.com
Somaliland