Xubnaha ku cusub 49 xil oo waaxyaha Wasaaradda loo sameeyey, qaar la beddelay iyo kuwo dib loo magacaabay
Hargeysa (TN)- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa isku shaandheyn ballaadhan ku sameeyey madaxa waaxaha iyo qaybaha kala duwan ee Wasaaraddiisa kadib cabashadii shaqaalaha idaacadda Radio Hargeysa ka sheegteen laba maalmood ka hor.
Wasiir Cukuse waxa uu xilal tiradoodu dhan tahay 49 u kala magacaabay masuuliyiin hore u hayey, kuwa la isku beddelay iyo xubno ku cusub wasaaradda oo uu ka mid yahay suxufiga ruug-caddaaga ah ee Xuseen Aw- Jaamac Jibriil Xagar oo hore laanta afsoomaaliga ee BBC-da ugu qaabilsanaa gobollada bari ee Somaliland, kaas oo hadda loo magacaabay Tifaftiraha guud ee Telefishanka Qaranka.
Qoraal lagu faahfaahiyey magacaabista uu sameeyey Wasiirka Warfaafinta maanta, waxa uu u qornaa sidan;
“Anigaoo ah Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta ee Jamuuriyadda Somaliland, waxaaan halkan ku soo saarayaa isku-shaadhayn Waaxaha Wasaaradda, aniga oo tixgalinaya ahmiyada wayn ee ay Qaranka u leedahay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta.
Waxa waajib Qaran ah in la helo shaqaale tayo sare leh si ay u gudato waajibaadka Qaranka ay masuulka uga tahay.
Sidaa daraadeed, waxaan idinla socodsiinayaa in laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 14/04/2014 aan magacaabis xilal cusub iyo dib u magacaabis u sameeyay waaxaha Wasaarada ee hoos ku xusan:-
1. Agaasimaha Maamulka, Maxamed Sh. Maxamed Cawaale
2. Agaasimaha Farsamada, Eng. Axmed Saleebaan Wayne
3. Agaasimaha Idaacada, Siciid Aadan Cigge
4. Agaasimaha Qosrshaynta iyo Wacyigelinta Axmed Ismaaciil Xuseen (Cirro)
5. Agaasimaha WaaxdaDhaqanka Cabdi Maxamed Jaamac
6. Gudoomiyaha DAWAN Maxamed Cisman Mirre
7. Gudoomiyaha Solna Xusseen Aadan Yuusuf
8. Agaasime kuxigeen Farsamada C/laahi Aadan Maxamed
9. Gudoomiye kuxigeenka Solna Yuusuf Maxamed Ismaacil
10. Gudoomiye kuxigeenka DAWAN Cumar Maxamed Aw Faarax
11. Madaxa Wararka TV-ga Maxamed Saciid Muxumed
12. Madaxa shaqaalaha Mawliid Maxamed shaqale
13. Tafatiraha Guud ee TV-ga Xuseen Jaamac Jibriil (Xagar)
14. KaaliyahaTIfatiraha Guud ee TV-ga Maxamed Xuseen Cali
15. Madaxa Barmaamujyada TV-ga Xuseen C/laahi Deeqsi
16. Madaxa Editorka IsmacIil Maxamed Cakuule
17. Xisaabiyaha Wasaarada C/rashiid Daahir Cali
18. Madaxa Kaydka TV-ga AxmedJaamacFaarax
19. Ku xigeenkaMadaxa Kaydka Axmed Aare
20. Madax aBakhaarka (Store) Maxamed Maxamuud Burgal
21. Kaaliyaha Bakhaarka (Store) MustafeYuusuf Ibraahim
22. Madaxa Qorshaynta Salma C/raxmaan Sheekh
23. Madaxa Wacyigalinta Jaamac Ismaaciil Xayd
24. Madaxa Barmaamijyada Radio Hargeysa Khadar Max’ed Cakuule
25. Ku xigeenka MadaxaBarmaajyada Radio Hargeisa Faysa Cali Xuseen
26. Madaxa kaydka Idaacada Nimco Rooble Faarax
27. Madaxa Online ka Safiya Cali Yuusuf
28. Madaxa Gaadiidka Maxamed Axmed Cali (Curri)
29. Madaxa laydhka iy oMishiinada Jaamac Axmed Faarax
30. Madaxa Warlaliska Idaacada Cabdi Aadan Ismaaciil
31. Madaxa Istuudyaha Idaacadda Maxamed Jaamac Cigaal (Jarmal)
32. Madaxa Isku Xidhka istuudiyaha iyo Warlaliska MaxamedCabdi Idiris
33. Madaxa Idaacada quraanka Maxamed Axmed Cabdilaahi (Shabeel)
34. Madaxa Farsamada Idaacada Quraanka Maxamed Axmed Cali (M.Deeq)
35. Madaxa Tafatiraha Englishka TV-ga Aadan Maxamed Cismaan
36. MadaxaTafatirahaCarabiga TV-gaAxmedXasanAadan
37. Madaxa Dukmanteriga C/qani Xasan Faarax
38. Madaxa Baahinta Dibada TV-ga Axmed Maxamed C/raxmaan (Ugaas)
39. Madaxa Baahinta Gudaha TV-ga Sidiiq Ismaaciil Axmed
40. Ku-xigeenka Madaxa Barnaamijyada TV-ga C/risaaq Cismaan Maxamed
41. Madaxa Warlaliska TV-ga Nuur Cumar Jaamac
42. Madaxa IT-ga Wasaarada Xuseen Cali Caraale
43. Ku- xigeenka Madaxa Satalliteka Maxamed Yuusuf Dhamac
44. Ku xigeenka Madaxa Wararka TV-ga Cali AxmedCawaale (Canadhame)
45. Madaxa Studio-yaha TV-ga Xasan Maxamed Jaamac (Panaroma)
46. Ku xigeenka Madaxa Studio-yahaTv-ga Sharmaarke Maxamed Faarax
47. Madaxa Kamaramanada (Cameraman) Axmed Xuseen Warsame
48. Ku-xigeenka Madaxa Wacyigalinta Nafiisa Maxamed Xuseen
49. Madaxa Monitoringka TV-ga Axmed Saxardiid Xirsi
Waxaan idiin rajaynayaa in aad si xilkasnimo leh uga soo bixi doontaan howsha la idiin igmaday. Sidaa iyo wadashaqayn wacan,” ayuu ku yidhi Wasiir Cukuse qoraalkiisa magacaabista.