Wadahadal dib u heshiisiin iyo nabadayn waa in lagu dhameeyaa khilaafka Taleex” Madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh maxamuud

0
331

Muqdisho (CodkaHargeysa)-Madaxwaynaha somaliya aya ka hadlay ciidadamadii Somaliland ee la wareegay gacan ku haynta  magaalada taleex

Madaxweynaha wuxuu yidhi “Wadahadal dib u heshiisiin iyo nabadayn waa in lagu dhameeyaa khilaafka Taleex. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay dhammaan dhinacyada ay quseyso kala shaqeeyso xal u helidda khilaafka oo aan shacabka u naxno una horseedno dib u heshiisiin waarta oo soo afjarta dhammaan khilaafaadka soo jireenka ah ee deegaankaas.”

 

Madaxweynaha oo ka walaacsan xaaladda ka soo cusboonaatay magaalada Taleex ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka soo daaleen khilaaf iyo dagaalo oo loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo sidii shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ay khilaafkooda iyo kala aragti duwanaanshahooda in lagu xaliyo si nabad ah.

“Soomaalidu waxay leedahay dhaqan soo jireen ah oo geedka hoostiisa lagu dhamayn jiray, wixii khilaaf ah ee jira.” ayaa lagu sheegay War Saxaafadeed laga soo saaray Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa yiri “Aad iyo aad bey noo dhibeysaa inaan arango dhiig hor leh oo ku daata si aan micno lahayn. Xaaladda waa in la dejiyaa oo ugu yaraan lagu soo celiyaa sidii ay aheyd maalmo ka hor inta aysan collaadaha cusub bilaaban, si wadahalka iyo nabadaynta fursad loo siiyo.

Xasan Sheekh, ayaa intaa raaciyay “Siyaasadda Dowladda ayaa ah in in Dadka deegaanka ay xaq u leeyihiin inay aayahooda ka tashadaan si loo gaaro marxalad aan caalamka kula tartami karno, isla markaana aan u istaagi karno sharafka iyo karaamada muwaadiniinta Soomaaliyeed. Taasna waxay ku imaan kartaa oo kaliya annagoo la nimaada biseyl siyaasadeed, isu dulqaadasho iyo is tixgelin ku wajahan kala dambeen iyo ilaalinta Amniga muwaaddinka.”

 

Muqdisho