Nairobi (CodkaHargeysa)- Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo Somaliland Mr. Nicholas Kay, ayaa ku baaqay in la dejiyo xaaladda ka taagan degaanka Taleex ee Gobolka Sool, kadib markii ciidammada Qaranka Somaliland qabsadeen shalay, kana saareen kooxda nabad-diidka ah ee Khaatumo.
War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Nicholas Kay, waxa uu baaq ugu jeediyey dawladda Somaliland iyo Soomaaliya, gaar ahaan maamul-goboleedka Puntland oo uu u soo jeediyey inay xasillooni iyo wadahadal ku dhammeeyaan khilaafka ka dhashay muranka degaanka Taleex.
“Waxaan ku baaqayaa in la muujoy dheganaansho. Xaaladda laguma xalin karo hab ciidan. Dhamaan dhinacyada ay arrintu khusayso waa in ay muujiyaan dulqaad, kuna kicin ficil keeni karo dagaal. Waana in ay sida oogu dhakhso badan u damiyaan buuqa jira/ ama u qaboojiyaan xaaladda. Waana in ay ku xalliyaan arrimahoodda si ay ku dheehantahay xasilooni, nabad iyo isu tanaasulid. Dadka Soomaaliyeed way soo dhibtoodeen in kufilan, waxayna ogyihiin in wax wanaag ah aan lagu gaareeynin dagaal iyo amni la’aan. Xafiiska UNSOM iyo Bulshada Caalamka ayaa labaduba ku baaqaayo in la muujiyo dulqaad aad u weyn. Waxaan diyaar u nahay inaan dhinacyada ka taageerno wixii dhexdhexaadin ah” ayuu yiri Egreyga Gaarka ah,” ayuu yidhi Nicholas Kay.