Hargeysa (CodkaHargeysa)- Halis iyo khatar ayuu ku sugan yahay madaarka caasimada hargeysa ee Cigaal Airport, Sahal iyo si basiid ah ayey suurtagal u tahay in cidkasta oo cadaw ku ah somaliland in ay weeraro iyo falal amni daro intaba ka fuliyaan.
Kadinka laga galo xayndaabka madaarka kolka aad soo galayso lix iyo toban talaabo kadinka meel u jirta waxaa fadhiya wiilaal dhlinyaro ah oo aan haba yaraate wax astaan ah oo aad ku aqoonsan karto iyo laba askari oo booliis ah , labada askari baabuurta ayey joojinayaan kolka gaadhigu joogsadona wiilasha dhalinyarada ah ayaa daaqada dareewalka inta ay soo istaagaan waxay weydiiyaan hal doller, kolka dareewalku halka doller Zaad ama Sarif mid uun ku siiyo, waxaa baabuurka iyo dhamaan dadka saaraniba si toos ah irida ugaga xeroondaan Madaarka halkaaso askariga birta geedhka hayaa kolka uu ka qaado dareewalka warqadii halka doller lagaga qaaday uu isna gaadhiga iyo dad iyo qalab wuxuu sidoba ka horbaydho.
Kolka laga yimaado baadhitaano gudaha Airport ka intaan VIP da ama gegida diyaarada aan la gaadhin lagu sameeyo dadka dhoofaya ama kuwa cid soo dhaweynaya, waxaa hubaal ah in cid kastoo kasoo degta madaarka madax, shicib iyo ajaaniba ay soo dhex maraan una soo gudbaan gudaha madaarka iyo qaybaha Parking ka oo ay istaagaan baabuurta dadka qaada ama kuwa cid gaar ah oo madax iyo ajaanib ah lagu soo doono, halkaaso ah goobta khatarta iyo halista ugu darani ay ka taagan tahay, gebi ahaanteedna baylah iyo bahalo galeen isugu baxday.
Walow sida dhabta ah madaarka ay ka muuqato waxqabad baahsan iyo horumar aan hore uga jirin horumarkaasi oo ah mid cidkastaaba ka marag kacayso lana inkiri karin, ayaa hadana waxaan shaki ku jirin inay suurtagal tahay in dedaalka xukuumada iyo doorka wasiir Maxamuud Xaashi intaba hal dooler “One Doller” gallaafto.
Waa hubaal inaan madaarku haysan sida madaarada Jabuuti iyo Muqdisho qalab awood u leh sugida amniga iyo baadhitaanka gaadiidka kaas oo ku rakiban irida ama kadinka baabuurtu kasoo gasho madaarka, haseyeeshe wakhtiyadii horeba ka hor halka doller waxaa shacabku baabuurtooda dhigan jireen barxada ama banaanka madaarka oo ah meel loogu talo galay in ka badan boqol baabuur in la dhigo.
Isku soo wada duubo halis ayuu ku jiraa madaarka Caasimada Somaliland ee hargeysa waxaana suurtagal ah hadii aan xukuumadu ka gaashaaman inay ka dhacaan falal amniga ka dhan ah.
CodkaHargeysa.com
webmaster@codkahargeysa.com