Hargeysa (CodkaHargeysa)- Maamule ku xigeenka 1-aad ee Madaarka Cigaal International Airport ee Hargeysa Maxamed Xuseen Jaamac ayaa ka hadlay dab la sheegay inuu dhawaan ka kacay qayb madaarka ka mida.
Maamule ku xigeenka Madaarka Cigaal ayaa sheegay in dabkaasi uu ka kacay meel banaan oo hada dhisme laga wado, isla markaasna aanu haba yaraatee gaysan wax khasaare ah, baadhitaan arinakaasi ku saabsan ay ciidmada amaanku wadaan.
Sidaasina waxay uu Maamule ku xigeen Maxamed Xuseen Jaamac, uu ku sheegay war-saxaafadeed uu maanta soo saaray kaas oo u dhignaa sidan:-
“ Maamulka Madaarka Cigaal International Airport ee Caasimada Hargeysa waxa uu bulshada iyo saxaafaddaba halkan uga sheegayaa in 14/04/2014-ka uu dab aad u koobani ka kacay meel aan dhisme ku oolin, oo u dhaxaysa Terminka laga Dhoofo iyo Terminalka laga soo dago, koobtaas oo dhawaan la baneeyey laga qorshaynayo in laga bilaabo dhisme cusub oo lagu dari doono Terminalka laga dhoofo.
Goobtani oo uu hore ugu yaalay kijin cunada loogu diyaariyo makhtaayad madaarka ku dhex taala, ayaa la banaayey todobaadkan si dhisme looga bilaabo.
Dab halkaasi oo qabsaday Looxaan iyo karaatiin meesha lagu ururiyey, ayaa isla markiiba waaxda dab damiska Madaarka oo heegan mar-walba ku jirnaa ay isla markiiba ku guulaysteen inay bakhtiiyaan isaga oo aan wax dhisme ah u gudbin, wax khasaare ahna aan gaysan haba yaraadee, arinaasi wax saamayn ah kuma ay yeelan shaqada iyo duulimaadyada madaarka ka socotay.
Dabkani waxa loo tuhunsan yahay in la shiday, waxana ciidamada amaanku ay madaarka ka wadaan baadhitaan ku saabsan sida uu dabkani ku kacay iyo cida ka dambaysay, sidoo kalena waxa ay ciidanku tuhunkaasi u xidheen hal qof oo ka mid ah shaqaalaha Makhtaayadaasi.
Anaga oo adeegsanayna muuqaalada ay duubeen kamarada CCTV-ga ee xaga amaanka oo ku xidhan qayb wal oo Madaarka Cigaal Airport ka mid ah, waxaanu ku kalsoonahay in ciidmada amaanku ay najiito wanaagsan ka gaadhi doonaan baadhitaasikaasi, cidii ku lug yeelata ee arintaasi ay ku cadaatana in sharciga la hor gayn doono.”
ALLA MAHAD LEH.
Maamule ku xigeenka 1-aad ee Madaarka Cigaal Airport.
Maxamed Xuseen Jaamac