Hargeysa (CodkaHargeysa)- Ergooyinkii Beelaha ee Shirweynaha Xisbiga Kulmiye ka qayb galayey ayaa Liisaska intoodii badnayd la soo xareeyey, sida uu xaqiijiyey Guddoomiyaha Guddida qaban qaabada Shirweynaha Xisbiga Kulmiye Abiib Xaamud Jibriil.
Dhinaca kale, kulan ay shalay yeesheen Wasiiradda, Xildhibaanada, Xubnaha guddida Fulinta iyo qaban qaabada Xisbiga Kulmiye ee Beesha Sacad Muuse ayaa lagu qaybiyey Ergooyinkii ku soo hagaagay oo dhamaa 128 xubnood.
Kulanka shalay oo ahaa mid si Turxaan la’aan ah loo so oaf-jaray ayay beeshu Ergooyinkeeda u qaybsatay sidan:-
Xuseen Abokor 30 xubnood
Jibriil Abokor 28 xubnood
Cabdalla Abokor 13 xubnood
Cabdalla Sacad 13 xubnood
Yaasif 13 xubnood
C/raxmaan Sacad 8 xubnood
Ugaadh Abokor 3 xubnood
Cabaas 1 xubin
Cabdalla Xasan 1 xubin
Ciise Isaaq 1 xubin
Muuse Case 1 xubin
Akisho 1 xubin
Madigaan 1 xubin
Gur-gure 1 xubin.
Shirweynaha Xisbiga Kulmiye ayaan wali la garanayn goorta uu noqon doono maadaama Beelihii loo qaybiyey Ergooyinka intoodii badnayd soo xaraysay Liisaskoodii.