Wadamada Geeska Africa waxyaabaha ay wadaagaan QORMO TAXANE AH QAYBTII 1AAD:Nageeye Cali Khaliif Safiirka

0
413

 

 

Geeska Africa Waa Dhulka Juquraafi Ahaan Ku Yaala Qaybta Geeska U Eeg(“Horn Shaped” ) Ee Qaarada Africa Taas Oo Fidsan Ilaa Dacalka Badda Hindiya.

Sida Uu Qoraaga Caanka Ah Ee Peter Wood Ward Ku Qeexay, Geeska Africa Waa Dacalka Barri/Waqooyi Ee Qaarada Africa Taas Oo Aad Si Toos Ah Uga Arki Karto Khariirada Qaarada Africa.

Inta Badan Wadamada Geeska Africa Waxaa Loo Yaqaanaa:
1. Somalia/Land,
2. Ethiopia,
3. Eretria,
4. Djibouti,
5. Sudan,
6. South-Sudan,
7. North-Eastern Region Of Kenya.

Sidoo Kale Qoraaka W/ Messfin Ayaa Wadamada Geeska Africa U Kala Qaaday Saddex Qaybood Oo Kala Ah:
1. Core Countries: Waa Dalka Xudduuda La Wadaaga Dhammaan Wadamada Geeska Africa Intooda Badan (Ethiopia).
2. Principle Countries: Dalalka Aan Wax Xudduuud Ah La Wadaagin Dalalka Ka Baxsan Geeska Africa.
3. Peripheral Countries: Dalalka Xudduuda La Wadaaga Dalalka Ka Baxsan Geeska Africa.

Haddii Aan Si Kale U Tilmaamo; Ethiopia, Waxay Xudduud La Wadaagtaa Dhammaan Wadamada Geeska Africa; Sida Eretria, Somalia, Somaliland, Djibouti, Kenya, Sudan And South Sudan.

Waxaan Intaasi Dheer, Dalalka:
Eretria,
Somalia/Land,
Djibouti,
Ethiopia.
Wax Xudduud Ah Lama Laha Dadalka Ka Baxsan Geeska Africa.

Sidoo Kale Dalalka:
Kenya,
Sudan,
South-Sudan.
Waxay Xudduud La Wadaagaan Dalka Ka Baxsan Geeska Africa.

Baaxada Dhulka Ee Wadamada Geeska Africa:
1. Sudan:50.6% Baaxada Guud Ee Geeska Africa,
2. Ethiopia; 24.5%, Baaxada Guud Ee Geeska Africa,
3. Somalia: 12.8%, Baaxada Guud Ee Geeska Africa,
4. Kenya 11.7%, Baaxada Guud Ee Geeska Africa,
5. Djibouti 0.4%, Baaxada Guud Ee Geeska Africa,

Xadiga Dadweynaha Geeska Africa:
1. Ethiopia; 45.3% , Baaxada Guud Ee Dadweynaha Geeska Africa,
2. Sudan: 24.8%, Baaxada Guud Ee Dadweynaha Geeska Africa,
3. Kenya: 22.5, Baaxada Guud Ee Dadweynaha Geeska Africa,
4. Somalia: 7.7, Baaxada Guud Ee Dadweynaha Geeska Africa,
5. Djibouti: 0.4%, Baaxada Guud Ee Dadweynaha Geeska Africa,

F.G: Marka Loo Eego Dalka Aan Xudduud La Wadaagin Dalalka Ka Baxsan Geeska Africa, Ethiopia Waxay Leedahay 65% Baaxada Dhulka Iyo In Kabadan 88% Dadka Degan.

Haddii Aan Si Kale U Dhigno; Geeska Africa Waxaa Loo Qaybiyaa Saddex Qaybood Oo Kala Ah:
a. Geographical Horn (Geeska Juquraafiga Ah):
1. Somalia/Land,
2. Ethiopia,
3. Djibouti,
4. Eretria.

b. Political Horn (Geeska Siyaasiga Ah):
1. Somalia/Land,
2. Ethiopia,
3. Djibouti,
4. Eretria,
5. Kenya,
6. Uganda,
7. Sudan,
8. South-Sudan.

c. Greater Horn (Geeska Weyn):
1. Somalia/Land,
2. Ethiopia,
3. Djibouti,
4. Eretria,
5. Kenya,
6. Uganda,
7. Sudan,
8. South-Sudan,
9. Tanzania,
10. Burundi,
11. Rwanda.

Waxyaabaha Ay Wadaagaan Dalalka Geeska Africa:
1. Qoomiyadaha Ku Wada Nool Dalalka Intooda Badan,
2. Kalitalisnimo,
3. Inqilaabyo Miliyary,
4. Masiibooyinka Dabiiciga Ah,
5. Khayraadka Dalalka Isaga Gudba,
6. Horumar La’aan,
7. Macaluul,
8. Qalalaase Iyo Dagaalo,
9. Argagixiso,
10. Waxbarashada Oo Liidata,
11. Maamu-Xumo,
12. Nabaadguurka Deegaanka.