“Wada-hadalka ay xukuumada la furtay Cali Khaliif waa mid furan oo aanay wax dhib ahi ku jirin” Wasiirka Biyaha Somaliland DAAWO

0
376

 

Hargeisa(Tooshnews)- Wasiirka Biyaha Somaliland Md Xuseen Axmed Cabdile ayaa sheegay inuu wada hadal u bilaambay xukuumada Somaliland prof Cali Khaliif Galaydh isagoo tilmaamay inay soo dhawaynayaan Imaashiyaha Somaliland

Wasiirka oo u waramayay warbaahinta dawlada ayaa sheegay inay  wada hadalka u socdaa yahay mid furan  oo ay ku soo dhawaynayaan Somaliland

Wasiirka biyaah Somaliland Ayaa isagoo Arimaha ka hadlaya waxa uu yidhi“Cali Khaliif waa nin wayn oo siyaasi ah waana nin reer Somaliland ah,Somaliland saaxiibo badan ayuu  ku leeyahay dad badan oo ay soo wada shaqeeyeena maanta Xilal ayay ka hayaan Xukuumada “  ayuu yidhi wasiirka Biyaha somaliland

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu raaciyay “waananu soo dhaweynaynaa wada hadalkaasi Xukuumadanu way soo dhawaynaysaa cid kasta oo Somaliland dan u ah dhibna ma leh haddii la wada hadlo” Xuseen Axmed Cadbile

 

Wasiirka biyaha Somaliland Xuseen Axmed Cabdile ayaa sheegay Inay xukuumad Wada hadal la Furtay prof Cali Khaliif Galaydh oo in mudo ah dibada wareeg ahaa waxanu yidhi“Wada-hadalka ay xukuumada la furtay Cali Khaliif waa mid furan oo aanay wax dhib ahi ku jirin,dadkuna inta badan isku mawqif ma noqon karaan aragtiyo kala duwan ayaa la kala aaminsanaan karaa,waanan soo dhaweynayaa wada-hadalka Cali Khaliif Galaydh”ayuu yidhi wasiirka biyaha Somaliland

Waa markii ugu horeysay ee ay xukuumada Somaliland shaaca ka qaado inay wada hadal la gashay  mid ka mid ah siyaasiyiinka ka soo horjeeda Gooni isku taaga Somaliland

 Halkan Ka Daawo


Tooshnews.net

Editor@tooshnews.net

Hargeisa Sland