Saraakiisha Xafiiska Caafimaadka “Hargeysa” oo isku-dacweeyay Ruqsado Foojari ah oo fashilmay

0
292

Hargeysa(TN)-Saraakiisha Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ee Gobolka Maroodi-jeex , ayaa isku dacweeyay waraaqo ruqsado ay ku siiyeen Dhakhaatiir ajaanib iyo Waddani isugu jira oo ka hawl-gala Cisbitaalo ku yaala Magaalada Hargeysa bilihii ugu dambeeyay ee sanadka.

 

Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Maroodi-jeex ayaa la sheegay inuu C.I.D-da u gudbiyay dacwad ka dhan ah Madaxa Adeegyada goobaha Caafimaadka ee gaarka loo leeyahay (Pharmaceis) ee Gobolka, oo la sheegay inay hore shurako ugu ahaayeen bixinta ruqsadahan oo lagu dhuftay  Shaambado samays ah.

Sidaa waxa Gobanimo u xaqiijiyay Sarkaal ka tirsan Xafiiska heer Gobol ee Wasaaradda Caafimaadka  Somaliland oo magaciisa qariyay, waxaana warku intaasi ku daray in sheekaddani markii ay kashifantay labada Sarkaal ee lug lahaa isku tuur-tuurayaan oo midiba midka kale ku eedeynayo.

Guddida Qaran ee Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranka ayaa dhawaan sheegay inaan ruqsad la siin Karin Addeege Caafimaad iyo xarun caafimaad toona ilaa ay Wasaaradda Caafimaadka u xaqiijiyaan Aqoonta Xirfadleyaasha iyo tayada adeegyada goobaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay.

Xeerka Mihanadleyaasha Qaranka oo Faafin rasmiya lagu sameeyay ayaa awood u siinaya Guddida inay jaan-gooyaan bixinta ruqsadaha xarumaha adeega caafimaadka iyo dadka ka hawl-gala, sida Dhakhaatiirta iyo Kalkaaliyeyaasha.

Saraakiishan ayaa jabiyay sharcigan ruqsad siinta Xarumaha Caafimaadka iyo hawl-waddeenada ku shaqaysta.

Dhinaca kalena waxa Shaambadda ay Waraaqaha ku dhufteen lagu tilmaamay mid Foojari ah oo aan ahayn tii Xafiiska Caafimaadka ee Gobolka.

Ruqsaddo Foojari ah

Nuqullo ka mid ah Waraaqaha Ogolaanshiyaha ah ee la siiyay Dhakhaatiirta ajaanibka iyo Maxaliga ah oo Gobanimonews heshay ayaa waxa ku saxeexan Isuduwaha wasaarada Caafimaadka ee Gobolka Maroodi-jeex Cabdi Xuseen Cali (Cabdi-dheere).

Nuqulada aanu helnay oo la kala siiyay Cisbitaal Mahuraan la yidhaahdo iyo Dakhtar Ilkaha sifeeya oo ka hawl-gala Farmasii ku yaala Suuqa Waaheen, ayaa u kala qornaa sida hoos ku xusan:-

Ruqsada koowaad oo soo baxday  25.2.2014

“Xafiiska caafimaadka ee Gobolka Maroodijeex, Markuu ogaaday in uu wasaaradda caafimaadka ka diwaan gashanyahay dhakhtarkan carab ka ah, anaguna waxaanu ogolaanay in uu ka hawl galo Shaafi pharmacy

Aqoontiisa Dentist.

Magaca dhakhtarka : Dr. Yasin Mohamed Al-abdo

Aqoontiisa Dr. dentist

Isudduwaha Caafimaadka ee Gobolka

Mr. Abdi Hussein Ali

Sawirka Ruqsadan:Foojari1

Ruqsada labaad oo soo baxday 09.03.2014:

RUQSADA MEHERADA CAAFIMAADKA EE GAARKA LOO LEEYAHAY (Licencse for Private Health facilities )

Nooca Meherada (Type of facility- Pharmacy laboratory

Degmada (district)          Hargeisa

Xaafada                               gacan libaax

Magaca mulkiilaha          Mr Mustafe Xasan Jamac

Aqoontiisa Pharmacist

Magaca meherada:         mahuraan pharmacy

Wasaaradda Caafimaadka Gobolku markii ay aragtay qodobka 28 ee dastuurka Qaranka ee somaliland iyo siyaasada caafimaadka ee dowlada.

markay xeerka iyo shuruudaha u yaala ogolaanshaha u yaala furashada meherada caafimaadka ee gaarka loo leeyahay, waxay ogolaatay ruqsadan Meherada Caafimaad ee gaarka loo leeyahay.

markii uu buuxiiyay shuruudihii looga baahnaa mudada ruqsadan, waa Free.

Mr. Cabdi Xuseen

Isudwaha gobolka caafimaadka ee gobolka M/jeex .

Sawirka Ruqsadan:Fojari2

Madaxda Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ayaa inta la ogyahay aan wali qaadin wax talaabo ah oo arrintan la xidhiidha,ilaa hadana aan la ogayn mawqifka ay ka taaganyihiin maamul ahaan iyo siyaasad ahaan.

Saraakiisha Caafimaadka ee heer Gobol oo kala hadlay

Hase ahaatee labada Sarkaal ee is-dacweeyay ayaa aragtiyo kala fog ka bixiyay Ruqsadaha ay bixiyeen ee ay hadana isku dacweeyeen.

Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Maroodi-jeex  Cabdi Xuseen Cali (Cabdi-dheere) oo wariyeyaasha  Gobanimonews ka waydiiyeen ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay Ruqsahan uu saxeexay ee Xafiiskiisa ka baxay.

Cabdi-dheere ayaa yidhi “waxba kama jiraan waxaas, ruqsaddo aanu annagu bixinayna ma jiraan, waa been “.

Laakiinse Madaxa Adeegyada Caafimaadka goobaha gaarka loo leeyahay ee Xafiiska Gobolka Cali Cismaan Cabdi, ayaa Wariyeyaasha u caddeeyay in isuduwaha Xafiiskiisu Dacwad lid ku ah oo arrintan la xidhiidha u gudbiyay Xafiiska Dambi baadhista Gobolka.

Cali Cismaan Cabdi, ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in isaga iyo isu-duwuhu ay muddo ka hor ku shuraakoobeen bixinta Ruqsadahan, sidii ay wada waddeena uu ka war helay dacwadan laga gudbiyay.    Cali ayaa yidhi “anigu Siddeed warqaddood ayaan ogahay ilaa hada ruqsadahan aanu samaynay, isu-duwahaana iila yimi oo igu yidhi aynu waxan ku wada shaqaysano,waxaanan ka qaadnay midkiiba boqol dollar oo aanu kala qaybsanay”ayuu yidhi.

Sarkaalkan ayaa isagoo hadalkiisa sii wata intaasi ku daray “Dabaddeed annagoo hawshii sidii u wadna, ayuunbaa laygu yidhi C.I.D-da ayuu isuduwuhu kaa soo dacweeyay oo uu geeyay waraaqihii aanu wada qornay, ka dib waxaan ugu tegay xafiiskiisa anigoo arrinta wax ka waydiiyay isaga (Isuduwaha), kaddibna wuxuu igu yidhi anigu dacwaddaa waxba kama ogi”

C.I.D-da ayaan hadana tegay maanta, dabadeed markaan arrintii iska waraysanay waxay igu yidhaahdeen berri noo kaalay, sidaas ayay wax u dhaceen, waxaana isuduwu isagaa marka horeba iila yimi, waligayna annigu intaan xafiiskan joogay maan sameyn laguma hayo”ayuu yidhi.

Guddida Mihnadleyaasha iyo Madaxda Wasaaradda Caafimaadka

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka oo aanu isku daynay inaanu wax ka waydiino talaabadan ay qaadeen Saraakiisha Gobolka ee Caafimaadku iyo mawqifka ay wasaaraddu ka taagantahay ayaanay noo suurto gelin inaanu helno.

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaraddaasi ayaa isaguna dalka ka maqan oo arrintani intii uu maqnaa dibada u soo baxday.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Guddida Mihnadleyaasha Caafimaadka Luul Jirde Xuseen ayaa  Wariyeyaasha kiiskan u dhabo galay xafiiskeeda u tageen sidii ay arrintan wax uga waydiin lahaayeen, maadaama qorshihii ay dhawaan shaaciyeen ee qiimeynta goobaha Caafimaadka saameyn ku yeelanayso.

Luul ayaa sidoo kale wariyeyaasha ka qaban wayday Telefoonkeeda gacanta oo ay ka waceen.

Khubaradda Caafimaadka

Si kastaba ha ahaatee Khabiir Caafimaad oo Gobanimo wax ka  waydiisay saameynta ay ruqsadahani ku yeelan karaan Siyaasadda Caafimaadka ee qaran ayaa ku tilmaamay talaabo dhaawacaysa nidaamka iyo kala dambeynta dawladnimada.

Khabiirkan oo codsaday inaan magaciisa la shaacin sababo la xidhiidha xaasaasiyad ay arrintani keeni karto ayaa sidoo kale sharci jebin ku micneeyay. “waxay jabiyeen xeer iyo sharcigii uu baarlamaanku ansixiyey ee ahaa xeerka mihnadlayaasha caafimaadka,

waana nidaam musuqmaasuq ah oo lacag lagu urursanaayey,waxa kale oo ay tanni caqabad hor leh ku noqonaysaa hawlihii shaqo ee ay fulin lahaayeen Commisionka Gudida xirfadlayaasha Caafimaadku”ayuu yidhi.

Waxaanu intaasi raaciyay “waxa kale oo ay dhaawacaysaa milgihii iyo sharaftii ay lahayd nidaamka dowliga ah siiba gaar ahaan wasaarada caafimaadka ee Somaliland”.

 

Tooshnews.net

Source GN