Maamulka Jaamacadda Hargeysa Oo Caddeeyay Inay Kordhiyeen Lacagtii Ardaydu Ka Mudaharadey

0
310

Hargeysa (TN) – Maamulka Jaamacada Hargeysa ayaa soo bandhigay Fii-ga ay ardayda jaamacadda dhigataa bixiyaan Semestarkii, waxayna Maamulku sheegen inaanay Jirin waxa lacag oo wakhtigan la kordhiyey ee ay lacagtu tahay tii la kordhiyey Bilawgii Simister-ka.

 

Sidaasi waxa lagu sheegay War-saxafadeed ka soo baxay Jaamacadda Hargeysa, oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiye ku xigeenka Akadamiga iyo ardayda, Prof. Cabdisalaan Yaasiin, waxaanu u dhignaa sidan “Maamulka Jaamacadda Hargeysa waxa uu la socodsiinaya dhammaan ardayada Labaad, waalidkoodaba iyo bulshadaba:In lacagtii la kordhiyey bilawgii Semesterkan aan wax isbedel ahi ku iman ayna tahay sidan hoos ku qoran:

 

In maamulka Jaamacaddu si weyn ugu mahad celinayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Somaliland iyo wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sarre, tallaabadoodii deeqsinimada lahayd ee ay ardaydaasi kaga bixiyeen intii lagu kordhiyey Semesterkii Dhamaaday. Inay ardaydu Bixiyaan Fii-ga oo dhammaystiran.

Fee-ga la kordhiyey waxa uu wax ka tari doonaa haddii Alla yidhaahdo

 

1.inay Jaamacaddu si hagar la’aan ah u bixin karto kharashaadka shaqo-maalmeedka, iyo mushaharooyinka shaqaalaha (Maamul iyo Macalinba), soo jiidato dadka aqoonta leh.

2. In la tayeeyo adeegyada ardayga loogu tallo galay sida, Fasallo ku filan, kuraasi munaasib ah, library, (Maktabad) laababka Science, Cumputerada, Projectorada, iyo garoomada Ciyaaraha.

3. inay kor u qaaddo daryeelka shaqaalaha, kobcinta xirfaddooda,  dayctirka dhismayaasha iyo qalabka jaamacadda.

4. in jaamacaddu ka baxdo dakhliga ka hooseeya Kharashka (Deficit)

5. in kor loo qaaddo bilicda guud ee jaamacadda sida: dhiraynta, waddeynta, iyo sameynta goobaha nasashada….”

Allaha Mahad leh.

Prof. Cadbisalam Yasiin Maxamed.

Guddomiye ku-xigeenka Akademiga iyo Ardayda