Burco(TN)Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo kamida Xildhibaanada ugu cad cad golaha deegaanka ee Degmada burco islamarkaana beryihii ugu danbeeyey si weyn ugu hawlanaa qalabanaynta iskuulada dhanka waxbarashada iyo Isboortiska, waxaana uu barnaamijkan qalabaynta ka fuliyey Dugsiyo badan oo ku yaalla magaalada burco, Xildhinaan Mubaarig oo ay saaka wehelinayeen Maamulka Gobolka Togdheer iyo Kan Degmada Burco ayaa qalab isboorti ku wareejiyey Dugsiga hoose/Dhexe ee Cali Xuseen.
Munaasibadan balaadhan oo saaka ka dhacday Dugsiga Maxamed Cali ee Magaalada burco ayaa waxaa goob joog ka ahaa gudoomiye ku xigeenka Gobolka Togdheer Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ubaxle) Maayir ku xigeenka Degmada Burco Muxumed Xasan Jaamac Xoday , Gudoonka Waxbarashada Gobolka Togdheer Cabdi Axmed Siciid Xildhibaan C/rashiid Faarax Gacanlow, Mamaulka iyo Macalimiinta Dugsigaasi Maxamed Cali.
Gudoonka Waxbarashada Gobolka Togdheer Cabdi Axmed Siciid oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay saaka usoo kici timeen inay soo booqdaan Ardayda iyo Iskuulka Maxamed Cali oo kamida Iskuulada ay gacanta ku hayso Wasaarada Waxbarashada Gobolka Togdheer, islamarkaana ay xildhibaan bidhi ka gudoomayaan qalab isboorti uu ugu deeqay dugsigan waxaana uu Gudoomiyuhu ku tilmaaday talaabada uu qaaday xildhibaan mubaarig bidhi tahay mid lagu diirsado.
Gudoomiye ku xigeenka Golaha Deegaanka Degmada Burco Muxumed Xasan Jaamac (Xoday) oo isna halkaasi hadlay ayaa Xildhibaan bidhi uga mahad celiyey doorka waxaabad ee uu ka ciyaaray Degmada burco waxaana uu ka maamul Dawlad hoose ahaan balan qaaday inay wax la qabanayaan intii karaankooda ah Dugsiga Maxamed Cali ishana ay ku hayn doonaan baahiyahooda, waxaana uu xildhibaan Bidhi ku sifeeyey inuu yahay xildhibaanda ugu firin fircoon golaha deegaanka degmada burco, Sidoo kale Xildhibaan Cabdirashiid oo kamida golaha deegaanka degmada burco ayaa aad ugu mahad celiyey xildhibaan bidhi iyo doorkiisa wax qabad.
Maamulaha Iskuulka Maxamed Cali oo isagu gudoomay alaabtaasi ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in xildhibaan maanta gartay inuu qalab isboorti soo gaadhsiiyo Dugsiga maxamed cali waxaana uu sheegay inay aad uga mahad celinayaan xildhibaan iyo maamulka soo booqday ayna ka gudoomeen alaabtaasi oo wax badan ka tari doonta dhalinayrada dugsigaasi.
xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi Bidhi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in loo doortay inay wax ku celiyaan dadkii soo doortay islamarkaana ay dugsiyada waxbarashadu ka mid yihiin meelihii laga soo doortay ee codka laga siiyey, waxaana uu xusay inay garab taagan yihiin dhanka waxbarashada iyo ciyaaraha waxkasta oo ay la qaban karaana ay la qabanayaan isaga ka xildhibaan ahaana uu diyaar u yahay markasta inuu dhalinyarada dhiiri geliyo ayna ka mid ahayd balan qaadkiisii wakhtigii olaha doorashada.
Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Togdheer Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ubaxle) oo soo afmeeray munaasibadaasi xilwareejinta qalabkaasi ayaa amaan usoo jeediiyey xildhibaan bidhi, waxaana uu ku tilmaamay inuu yahay nin dhalinyarao ah oo muxtarima isku haya bulshada togdheer kana foogan qabylaad, waxaana uu aad uga mahad celiyey firin fircoonaanta deeqaha uu gaadhsiiyey dugsiyada oo ahayd mid loo baahnaa waxaana uu dadka reer togdheer kula dar daarmay inay ka fogaadaan qabyaalada iyo waxumo tashiilka inay u dhaqaaqaan dhanka walaltiniamda iyo harumarka umadda xildhibaan bidhina yahay nin waayo arag ah oo bulshadiisa iyo xilkiisaba u daacada, taariikhda marka la eegana ay labadooduba la kulmeen Mujaahid Maxamed Cali.
Isku soo wada duu duuboo Munaasibadan ayaa ahayd mid aad u dhiiri gelisay dhalinayradi iyo macalimiintii halkaasi joogatay waxaana wajiyadooda laga dheehanaayey farxada iyo rayn raynta, Xildhibaan Mubaariga bidhi ayaa kamida haldoorka xildhibaanda golaha deegaanka degamda burco, waxaana uu qaaday talaabo horumarineed oo aanay qaadin cid kale.
Mohame elmi hassan(Shiine)
Burco/Somaliland
Shiine1433@hotmail.com