Dirir aadmi waw joog
ilaa daa`im abidkeede
dabkii laygu oogiyo
wixii doqon igaadhsiiyay
daadkii iqaadiyo hubkii
laygu dabar gooyay
dadkii layska dilayiyo
hantidii baadli lagu daaqay
hankii daalin waday
eexdiyo duligii dagalka
saameeyay
damiir xumada wawkow
ma arag doorkii ka horowe
kuwii durayay maatida
hadana diracyadeed laayay
daasad kuwaan ureebayninee
daaska guranaayay
daahyada guryaha iyo
kuwii shamaca duuduubtay
kuwii diirtay saqafkee hadana
daaqad raranaayay
uurlay kuwii dooxayee
caydi dubanaayay
ciroolaha kuwaan dayninee
gowrac ugu duugay
dabarjara kuwii yidhi
marnaba wax umadoonteene
midnimada ladoonaayaban
garan daliilkeede
soomaaliyeey waa duntaye
daniyo xeeshaada
adigaa xaqay duudsiyee
daniyo xeeshaada
adigaa daluumaha qodee
daniyo xeeshaada
gobonimo adaa dayriyee
daniyo xeeshaada
ehelnimo adaa dugayee
dan iyo xeeshaada
dhankaagaba inaan soo
dayaa waa damiir xuma e
hayga sugin inaan ku dibjiro
dawlad kulayeesho
ingiriis dunweeyee
warkaa daaha laga qaaday
waa waxaan dagaalkii ugalay
inaan dalyeeshaaye
aqoonsiga dalkaygii helee
dunidu sheegayso
faraxad iyo damashaad
haduu dananku yeedhaayo
daayin mahdii weeyee
hadaan doodi karayaaye
rabiyoo hanaga dumin aada
daayinoo jira e
daacadnimo sinaan iyo
rabow dalwadnimo waarta