Qaranka Somaliland Wuxuu soo maray taariikh dheer oo baal-dahab ah ay kaqa qoranyiin shakhsiyaad qaali ku ah umadan, iyadoo dhanka kalena umada reer Somaliland aanay marna iloobin doonin shakhsiyaadkii dhagart iyo hagar-daamooyinka ka galay qarankan maanta taagan. Dunta iyo dadnimada xariirta ah ee dadka reer Somaliland ayaa sababtay in dadka qaarkii ay darajadaa gaadhaan. Inkastuu durdur iyo dabaal galo bahalkii dufka lahaa abidkii ma daahiro.
Iyadoo wasaaradda duulista iyo hawada ay dul-hogonaayaan fadeexadihii musuq-maasuq ee garoomada Hargeisa iyo Berbera, waxa wax lala yaabo ah in wasiirku wasaaradaasi maxamed xaashi kula soo galgalasho dadka deegaanka, gaar ahaan madax-dhaqameedkii sharafta iyo karaamada mudan ceebaha gondada ugu jira ee dul ceegaagan.
Waxa marag ma-doon ah dad la noolaansha iyo deeqsimimad beesha degta koonfurta Hargeisa, iyadoo ay marag u tahay sida fiican ee dadka ku hareesan garoonka Hargeisa aanay marn uga caban masuuliyiinta madaarku, inagoo ogsoon heerka dhibaatooyinka ah ee ka soo gaadhey, iyadoo mar walba iyagoo dhawraya qaranimada iyo nabada Somaliland khilaaf kasta oo yimaada lagu xalin jirey wada xaajood iyo is fahan,Waxa kale oo la wada ogsoon yahay sidii sharafta mudnayd ee ay usoo dhaweeyeen wasiirka markii madaxwayne siraanyo u magacaabay wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka cirka, Abaalkii wasiirku wuxuu noqday inuu aflagaadeeyo madax-dhaqameedkii ixtiraamka iyo qadarinta inaga mudnaa taas oo aaney maanta uga fadhiyin beesha koonfurta Hargeisa tagta.
Hadaba. Waxaan u aragnaa arrinkaas iyo aflagaadaa uu wasiirku ku kacey qaar uu ujeedo iyo dano kale ka leeyahey meelo kalena wax uga goyneyso, waxaase cadeyneynaa in aaney waxba ka jirin eedahaas is huwan iyo aflagaadaa qaawan ay ceeb ku tahey sharafta wasiirka iyo xukuumadab, ugana fadhino wasiirku in uu cadeeyo ujeedada uu ka leeyahey iyo cadaawada uu caloosh uu ku heysto.
Wa bilaahi tawfiiq.
Ilaahayba mahad iska leh.
Ahmed Omar Farah