Burco(TN)-Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo kamida Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Burco ayaa maanta Qalab Sport ku wareejiyey Dugsiga Dhegoolayaasha Burco madal ilyartu is qabatay oo ay goob joog ka ahaayeen Maamulka Gobolka Togdheer Iyo Ka Degmada Burco , qalabkan ayaa ahaa mid ay baahi weyn u qabeen ardayda dhegoolayaashu in badan ay ku taami jireen, Xildhibaan bidhi oo ka hadlay munaasibadaasi wareejinta qalabkaasi ayaa sheegay inuuu hore u balan qaaday qalabkan waxaana hadaladiisa ka mid ahaa ” Maanta waxaan qalab ku wareejinayaa ardayda dhegoolayaasha ah oo aan hore ugu balan qaaday qalabkan uguna talo galay inay ku ciyaaraan sida ardayda iyaga lamida oo kale”.
Xildhibaan Mubaariga Bidhi ayaa sidoo kale balan qaaday inuu ku deeqi doono Dhul loo dhisi doono Macalimiinta Ardaydaasi dhegoolayaasha ah dhulkaasi oo ay dawlada hoose ee burco uga dhisi doonto guryo ay degaan barayaasha dugasigaaso oo in badan lasoo dedaalay.
Xildhibaan Mubaariga Yuusuf Cilmi ayaa kamida xildhibaandii beday golihii hore ee deegaanka burco waxaana uu ka mid yahay xildhibaanda aadka ugu firin fircoon golaha deegaanka degmada burco, waxaana uu beryihii ugu danbeeyey ku hawlahaa horumarinta degmada burco.
Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Togdheeer iyo Maamulka Degamda Burco oo hallkaasi ka hadlay ayaa aad ugu mahad celliyey Xildhibaan bidhi sida uu uga qeyb qaato horumarka gobolka iyo degmada kana mid yahay xildhibaanada ugu firin fircoon golaha deegaanka degmada burco, si kastaba oo ay ahaataba xildhibaan bidhi ayaa noqonaaya xildhibaankii ugu horeeyey ee shaaciyey inuu dhul u deeqay dhegoolayaasha taasi oo dareen farxadeed gelisay dhamaan dadkii halkaasi ku sugnaa.
Mohamed elmi hassan(Shiine)
Burco/Somaliland/Office