London (TN) – Maalinimadii Jimcaha 4-tii April waxaa Sinimoo ku yaalla magaalada Exeter ee dalka Ingiriiska ka ballansanaa Filim lagu magacaabo “Noah” oo dhowaan ay hollywood-ka soo saareen, kaasi oo lagu matalayay qowmkii Allah (SW) uu ku halligay biyaha ee Nabi Nuux (caleyhi Salaam).
Filimkan waxaa hore looga mamnuucay waddamo badan oo Muslimiin, waayo waa dambi weyn in Anbiyada Allah (SW) laga sameeyo muuqaal ama la metelo, waxaana weliba sii dheer in ayna u soo bandhigin qisadii Nabi Nuux (CS) oo ay ka been sheegeen halaagga qowmkaas sida uu ku yimid.
Haddaba dhacdada yaabka leh ee lagu arkay halkii lagu bandhigi lahaa ayaa waxay ahayd in maalinkii ugu horeysay oo Filimkaas la baahin lahaa la arkay sinimooga oo biyo dhex ceegaagan oo aan la aqoon meel ay ka yimaadeen, laakiin nin u hadlay Sinimooga ayaa sheegay sidan “Waxaan xaqiijinayaa fatahaadii ka dhacday sinimooga 4-tii April sababo la xidhiidha cillad ku timid mashiinadii barafka samaynayay”ayuu u sheegay Wargeyska The Independent. Fatahaadan waxay sababtay in sinimoogu baajiyo maalinkaas filimkii ay baahin lahayd si ay biyaha u nadiifiyaan.
Gabadh Muslimad ah ayaa tacbiir fiican saartay waxa Gaalada maanta iyo kuwii Qowmkii Nabi Nuux ay isaga midka yihiin, welina ayna ku cibro qaadanaynin bal ay ka dhigayaan arrin madadaalo ah oo filim ay ka samyanayaan.
Tooshnews.net
Source Dhamays