Qorshe ma leedahay ?
Waa Maxay Qorshe ?
Qorshayntu waa abaabulida howlaha aad qabanayso
Qorshayntu waa inaad qaab cilmiyaysan aad u dhigto howlaha aad qabanayso
Qorshayntu waa ku foganaanta howlaha nololeed si aad uga midho dhaliso hamilida mustaqbalka fog iyo ka dhawba
Qorshayntu waa inaad mar walba digtooni ugu jirto shaqadaada iyo howl maalmeedkaga si aad hore ugu socoto
Marka laga hadlayo qorshaynta , qorshayntu waa in aad hab iyo hanaan u socod u yeesho shaqadaada ama howlahaaga
1) Qorshaynta marka laga eegayo dhinaca Diinta ?
Diinteena suubani waxa ay ina faraysaa in la yeesho himilo iyo hanaan ama qorshe lagu habeeyo nolosheena si aynu uga midho dhalino waxa uu illaahay inoo abuuray oo ah in aynu caabudno , waxa hubaal ah in aanu qofna fulin Karin si bilaa qorhse ah howl ama shaqo hadii aanu qofku qorshe yeelana uu ka dhigmo ama uu noqonayo ‘ qof u nool sida xoolaha oo kale ‘ oo keliya cuna cabnana. Qorshayntu waxa ay kuu fududaynaysaa in aad ogaato oo aad xadido howl maalmeedkaaga si aanad qalad uga galin waxa uu ilahay inoo abuuray.
2) Qorshaynta marka laga eegayo dhinaca Qoyska ?
Qorshayntu waxa ay u fiicantahay qoyskaaga maxaa yeelay waxaa laga yabaa in adiga iyo qoykaagu ( xaaskaaga). Aad wada qorshayseen sannadkii hore howlo idiin yaalay oo ku salaysan dhinaca qoyska balse xaalado jira awgeed aanay hirgelin oo aanay fulin islamarkaana loo baahanyahay in sannadkan aad wada fulisaan adiga iyo xaaskaagu ama sayigaagu, dhanka kale waxaa laga yabaa in sannadkii hore aad adiga iyo qoyskaagu uu dhibaato la soo daristay loona baahanyahay in sannadkan aad ka gudubtaan taasi garaadka iyo maskaxda qofka soo jeeda ee noloshiisa ku haga dhinaca fiican ee qorshaynta nolosha iyo jihaynteeda
3) Qorshaynta dhinaca waxbarashada iyo Shaqada ?
Waxaa muhiim ah in qofku uu yeesho qorshe waxbarasho oo kugu haga ama ku tusa wadooyinka loo mari karo waxbarasho midho dhal ah qorshuhu waa dariiqa lagu gaadhi karo geedi socodka nolosha guulaysatay ee dhinaca waxbarashada , tusaale ahaan hadii aad yeelato qorshe waxbarasho , subaxii markaad marka aad indhaha kala qaado ee soo kacdo ama aad soo toosto waxaa qorshahaagu yahay in aad ugu horayn gudato oo aad dhamaysato shaqooyinkii kuu yaalay ee guriga sida in aad cadayato , aad fooldhaqato, aad quraacato, aad is hagaajiso si aad u aado ama aad u tagto dugsiga waxbarashada kadibna aad ku xisaabtanto maadada aad qaadanayso , xiliga nususaacaha, ilaa laga gaadhayo xiliga qadada , bari iyo saadanba waxa laga yabaa in aad qorshayso intaa in lee oo ay noqoto howl maalmeedkaaga
4) Qorshaynta iyo Asxaabta ?
Waxaa geed ka go,an ah in aad qorhse go,an aad u yeelato asxabta oo aad ay kaa go,antahay cida aad la saaxiibaysa sida aad ula kulmayso iyo qodobo xidhi kara oo aad ku xulankarto saxiibka wanaagsan si qorshaha noloshaadu uu noqdo mid hirgalay waayo saxiibka waa ka keliya ee rumayn kara riyadaada fog ee mustaqbalka oo uu hagayo ama uu hogaaminayo qorshahaagu.
5) Qorshaynta dhinaca Siyaasada ?
Inaad lahaato hage siyaasadee waa lagama maarmaan maxaa yeelay noloshu waxa ay fiicantahay marka aad ka qorshayso dhinacayada kala duwan ee nolosha.
6) Qorshaynta iyo dhinaca Hogaaminta wanaagsan ?
Waa in aad leedahay ama uu yahay qorshe kuu yaal cida aad ku dayanayso ee dhinaca hogaaminta (good leadership) hogaaminta ku dayashada mudan ee aad raacaysaa waa in ay kuu qorshaysantahay oo ay jiraan cid kuu qorshaysan inaad kaga dayato hogaaminta fiican , inaad cid aad hagto waxa ay ku xidhantahay cida aad qorshaysan inaad kaga dayato hogaaminta fiican.
Kumanaanka talaabo ee socdaalku waxa uu ka unkamaa hal talaabo. Haku mashquulin naftaada baqasho , warwar iyo bilaa qorshe naftaada ha ku ridin bar shaqada iyo fikirka naftaada iyo noloshaada waxa laga yabaa in aad ka gun gaadho guulaha nolosha waayo qorshaha ayaa kuu sahlaya .