Burco(TN) Ciidanka Booliiska Gobolka Togdheer ayaa saaka Dilay Maxbuus magaciisa la odhan jiray Axmed Saleebaan, kaasoo saaka ka baxsaday Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Togdheer oo sagaal sano oo xadhig ah ku xukuntay.
Marxuumkan Maxbuuska ahaa ayaa hore shan iyo toban sano oo xadhig ah ugu xukuntay Maxkamadda Gobolka Togdheer kadib markii lagu Eedeeyey in uu samaystay Buugaag Foojari ah oo uu lacag kaga urursan jiray gaadiidka Buugaagtooda iyo Liisamada.
Sidoo kale, waxa uu Maxbuuskan la Dilay muddo badan macmiilan jiray Buugaagta Cashuuraha Barriga lagu qaado kuwaas oo lagu Eedeeyeey in uu lacago badan kaga dhacay Waaxda Cashuuraha Berriga Gobolka Togdheer illaa Gobolka Sool.
Hanti-dhawrka Wasaradda Maaliyadda iyo ka Guud ayaa ninkan Eedaymo la xidhiidha Foojari ku eedeeyeey, waxanu rafcaan ka qaatay Xukunkii maxkamadda Gobolka, waxaana laga khafiifiyey Lix sano.