Maayirki Taleex ee Waagi Madaxweyne Cigaal oo Hadda Dib Ugu Soo Laabtay Somaliland Isago Baabur Kala Soo Baxsaday Maamulka Puntland

0
376

Taleex (TN) Maxamuud Jaamac Shaacuur (Il-weyn), oo ahaa Maayarkii Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyada Somaliland Marxuum Maxamed X. Ibraahin Cigaal u magacaabay labadii kun (2000), degmada Talleex ee deegamada Gobalada bariga Somaliland, gaadhi cusub oo magaciisa la odhan jiray Tuu-ejna u Iibiyey,ayaa la sheegay inuu waqtigaas gaadhigii iyo hantii uu siiyey Madaxweynihii hore ee Cigaal uu markiiba ula-galay maamul-goballeedka Soomaaliyeed ee Puntland, isla markaana waxa la sheegay inuu gaadhigii barooga ahaa, lagana iibiyey cashuurta masaakiinta shacabka reer Somaliland laga ururiyey uu Maxamuud Jaamac ka iibiyey magaalada Boosaaso, jeebkana ku shubtay lacagtaas la siistay gaadhiga ahaa hantidii dawlada ee ummaddu lahayd. Sidaasna waxa Wargeyska Ogaal u sheegay dad ay isku ehel yihiin oo ka gaabsaday in magacooda iyo halka ay ku sugan yihiin la sheego ayaa xalay wargeyska Ogaal u xaqiijiyey in ninka lagu magacaabo Maxamuud Jaamaac Shaacuur (Il-weyn), iyo wefti uu hoggaaminayo ay shalay soo galeen magaalada Hargeysa, kuwaas oo la sheegay inay ku dageen huteelka Koroon ee Siyaasiga Cismaan Hindi leeyahay ee caasimada Somaliland ku yaala. Xogaha Wargeyska Ogaal helay ayaa u sheegay in waqti xaadirkan weftiga uu hoggaaminayo Jaamac ay ka yimaadeen xarunta maamulka Puntland ee Garoowe, halka ay sheegeen in Odayaal iyo waxgarad ka tirsan ka tirsan beesha uu ka soo jeedo ku sheegay, kana yimaadeen deegaanka Talleex , kana maqnaa dalka Somaliland 14 sanno, lamana oga u-jeedada ka dambaysa. Wararku waxay intaas ku darayaan in huteelka ugu tageen ciidamo ka trsan booliska iyo Sirdoonka ee ( C.I.D) balse Siyaasiga Cismaan Hindo oo aanu damacnay innaanu wax ka waydiino oo aanu kula xidhiidhnay khadka Telifoonka, laakiinse nasiib-daro telifoonkiisa gacanta aya abaqtiisnaa. 

Tooshnews.net

Xigasho Burcoonline