“Kani waa dagaal dhaqaale ee ma ahan dadaal argagixiso” Muslimiinta Kenya oo Qaylo Dhaan Ka Muujiyay Hawlgalada Ciidamada Kenya Ku wadaan Ganacsiga ISLII

0
441

Nairobi(TN)-Hogaamiyaasha Muslimiinta dalka Kenya ayaa cambaareeyay howlgalkii xaafada Islii ee dalka Kenya kaasi oo ay ku sheegeen inuu ahaa mid lagu waxyeelaynayay ganacsiga Soomaalida ee dalka Kenya

 

Muslimiinta dalka Kenya oo uu kamid ahaa Billow Kerrow ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay ganacsi xoogan ku heystaan dalka Kenya, laakiin aysan wanaagsaneyn in la bartilmaameydsado.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa waxaa dib loogu soo celiyay dalkooda hooyo, iyadoo kuwo kale ay ku xedhan yihiin saldhiga Buru Buru iyo kuwo kale kuwaasi oo sugaya in dalkooda lagu soo celiyo.

“Kani waa dagaal dhaqaale ee ma ahan dadaal argagixiso, haddii uusan aheyn maxaa shacab kaliya loo bartilmaameydsaday, kuwaasi oo la ogyahay ganacsigooda xoogan”ayuu yidhi Mr Kerrow.

Waxa  La sheegay in booliska iyo saraakiisha sirdoonka ay weydiinayaan sharaxaad inay ka bixiyeen sida ay u dhisayaan dhismaha ganacsiga ee xaafada Islii kuwaasi Oo Lagaga Baabiiyay Hawlgaladii ka Socday.