Ardayda Jaamacadda Hargeysa oo Mudaraad sameeyey iyo Ciidanka Booliiska oo xabsiga ku guray

0
349

Hargeysa(TN) Qaar ka mid ah Ardayda Jaamacadda Hargeysa ayaa saaka mudaharaad balaadhan oo ay ku xidheen Biriishka labaad ee Hargeysa sameeyey kadib markii ay Ciidamadda RRU, SPU iyo kuwa Booliis ah ku hor istaageen Mudaharaadkooda Rasaas.

 

Ardayda oo si aad ah uga gadoodsanayd ayaa Rasaasta ka dul dhacaysay ka dhaqaaqi waayey, waxaanay markii danbe Ciidamadu u adeegsadeen Xoog iyo rasaas ay ku asqaysiiyeen iyagoo garaacis iyo xabsi isugu daray Ardaydaasi.

Saraakiisha Booliiska ayaa mudaharaadka la tacaalayey saacado badan, waxaana la waayey masuul kale oo ka soo ag wareega mudadii uu mudaharaadku socday, iyadoo Taliyaha Ciidanka Booliiska Sareeyo Guuto C/laahi Fadal iyo madaxda Booliisku ka quusteen in ay qanciyaan Ardaydaasi.

Ardayda Jaamacadda Hargeysa ayaa ka cabanaysa lacagta Mushaharka ee Jaamacadda laga qaado simistarkiiba, taasoo hore wasiirka wasaaradda Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan u balanqaaday iyagoo  mudaharaad kan oo kale ah Ardaydu samaysay si lacagtaas looga daayo, balse waxa wali taagan mushkiladii lacagtaas oo in badan soo taxnayd.

Jaamacadda Hargeysa ayay dhigtaan dhawr Kun oo Arday mar walbana waxay ka cawdaan qiimaha wallow Jaamacadda Hargeysa ka jaban tahay Jaamacadaha Gaarka loo leeyahay, hadana Ardaydu waxay tabaysaa in ay lacagta lagu kordhiyey sanadkii dhaweyd tahay mid aanay qaadi karayn.

Jaamacadda Hargeysa ayay maamuladii u kala danbeeyey tan iyo intii Xukuumadda Kulmiye talada qabsatay ku cabanayey in aanay Jaamacadda ku maamuli Karin Fee-ga laga qaado oo ka yar ta Jaamacadaha kale, waxaanay taasi keentay in markasta muran dhex maro iyaga iyo Ardayda.

TOOSHNEWS.NET

Xigasho Waaheen