SOMALILAND WAXAY MARAYSA IN SAXAAFADA XORTA AH LAGULA WAREEGO WAXAD WAX KASHEEGTAY MADAXWEYNAHA QOYSKIISA, TAASINA WA WAXAN KA DAGAALANAY EE SIYAAD BARRE KA DIIDNAY SIILANYO KA YEELI MAYNO EE HA GAADO.
Marba waxa la odhan jiray xukunka waxa maroorsaday wasiir Xirsi lakiin imika waxa maraysa in Baashe ninka layidhaahdo oo aan wadankaba xil ka haynin lakin ka tirsan qoyska madaxweynaha, in la arko isagoo awoodihii dowlada si toosa ugu milmay isla markana u shaqeeya sidii raysal wasaare oo kale, arintaasina waxay soo shaac baxday markii Baashe oo shacab ahi uu hogaamiyey 11 wasiir oo Xirsi gii la tuhunsana ku jiro ayuu u kaxaystay Warcimran, taasina nidaamka dowladnimo meelna kagama jirto in qof shacabi oo aan wax xil ah dowlada ka haynin hogaamiyo wasiiro culculus, sababta kaliyana ay tahay inuu madaxweyne Siilaanyo xidid la yahay oo inan ka qabo lakiin Somaliland dastuurkeeda meelna kagama jirto.
Wargayskii Hubaal markii lagu tacadiyey ee la xiray ee shacabku ka dhiidhiyi waayay aya maanta waxaa sidii dowladihii kali taliska aha lala wareegay wargayskii Haatuf oo sheegay wax jiray kana hadlay sida wax laysu daba marinayo, oo qalabkiisii iyadoo aan maxkamadi xukumin lagu shubay madaxtooyada iyadoo lagu haysto Baashe ayaad wax ka sheegteen, waa wax runtii laga xishoodo waayo dee Baashe isaga raba in wax laga sheego oo saxaafadu qaada dhigto wayo isaga aya hawlo aanu lahayn faraha kula jira, maah maah Somaliland ah aya tidhaahda sodohda gacanta lagu dharbaaxay halka ay ka gaadhayso maxaa dhigay? Baashe hadii uu madaxwaynaha la xididyahay miyuu xishoodo oo halka saxaafadu wax kaga qorayso ka dheeraado, waayo saxaafadu cidii masraxa timaadaba way qoraysa ciduu doono ha noqdo nina kama wayna saxaafada madax banaan,
Waxaan u sheegaya xukuumada Kulmiye inanay Somaliland ahayn dowladihii carabta ee boqor tooyada ahaa ee aan qoyska boqor tooyada laga hadli jirin, Somaliland waa dal ay xoriyatul qawlku suganyahay oo dastuurku xaqsiiyey cidna laga habran maayo waxii la arko ee qaldana wa la qoraya, waxaan leeyahay Siilaanyo wadankani wa dimuquraadi saxaafaduna wa xor, sida ugu dhaqsaha badan xoridisa usoo celi wargayska Haatuf hadii kale mudaharaadyo aya wadanka ka bilaabmi doona aadka qoomamooto, inanka aad sodoga u tahayna wadanka ka fadhiisi ama ha xanaaqin marka wax laga sheego.Allaa mahadleh