Muqdisho (TN) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa markii ugu horreysay ka hadlay howlgallada ay ciidamada Kenya ku qab-qabanayaan Soomaalida ku nool Dalka Kenya gaar ahaan xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, isagoo nasiib-darro ku tilmaamay Sida foosha xun ee ay ciidamada Kenya ula dhaqmayaan Soomaalida halkaasi ku sugan.
Waraysi uu siiyay ra’iisul wasaaruhu idaacada V.O.A. ayaa wax uu sheegay in arrintani uu si gaar ah ugala hadlay madaxda Kenya, gaar ahaan madaxweyne-ku-xigeenka dalkaasi William Ruto, isga oo xusay in uu Madaxwayne xigeenka dalkaasi kenya u balanqaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qabandoono, hase ahaatee uu Madaxwayne ku xigeenka Kenya William ruto uu balan kii kaga baxay Ra’iisal wasaaruhu waxa uu intaas raciyey inanay ka hadhi doono dadaalada ay ugu jiraan wax ka qabashada arinkan.
C/weli ayaa amni-darrada iyo werarada iyo qab-qabashada dadka Soomaalida ah ee ku nool Nairobi ku eedeeyay inay ka dambeyaan kooxaha argagixisada ah oo uu ku sheegay kuwo doonaya inay xasilooni-darro ka abuuraan Kenya.
Toddobaadkii hore ayay ciidamada Kenya waxay ka billaabeen howlgallo lagu qabqabanayo xaafadda Islii oo ay degen yihiin inta badan dadka Soomaalida ahi, iyagoo qabqabtay in ka badan 4,000 oo qof, kuwaasoo qaarkood loo soo masaafuriyey Soomaaliya, halka kuwo kalena ay ku xidhxidhan yihiin xabsiyada iyo garoonka ciyaaraha Kasarani.
Hadalkan ra’iisul wasaaraha Somalia ee ku saabsan dadka Soomaaliyeed ee lagu qab-qabanayo magaalada Nairobi ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli ay golaha wasiirrada xukuumadda Somaliya ugu baaqeen dowladda Kenya inay joojiso qab-qabashada lagu hayo dadka Soomaalida ah ee u badan qaxootiga.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya, William Ruto ayaa isaguna maanta sheegay inay sii wadidoonaan Masaafurinta Somalilada sharcidarada ku jooga Kenya, Taasi oo uu ku tilmaamay adkeynta Nabadgalyada dalkiisa.
Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo ay daggan yihiin Soomaali faro badan ayaa waxaa ka socda howlgallo lagu qab-qabanayo dadka sharcidarada ku jooga Nairobi gaar ahaan dadka somalida ah ee ku nool xaafaddaas islii, iyadoo ay cambaareeyeen howlgalada nocan ah hay’adaha u dooda xuquqda aadamaha.
Dhanka kale, ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya, Raila Odinga oo isaguna arrintan ka hadlay ayaa sheegay inay keeni karo cawaaqib xun, waxa kale oo uu xukuumadda Kenya uga digay inay beegsadaan Qowmiyadda Soomaalida oo kaliya isaga oo sheegay in ay dawlada Kenya, Marmarsiiyo ka dhiganayso ayuu yidhi falal argagaxiso oo aan cidnaba lagu calaamadinkarin islamarkaana caalamka intiisa kale ka dhaca.