Hargeysa (Tooshnews)-Nin lagu magacaabo AMOU HADJI oo u dhashay dalka Iran ayaa maalmahan haystay bogaga hore ee saxaafadda dalkaasi, ka dib markii la xaqiijiyey in ninkaasi aanu qubaysan ama xitaa wejiga iska maydhin tan iyo sanadkii 1954, xiligaa oo haatan laga joogo muddo lixdan sanadood ah.
Sideetan jirkan reer Iran muuqaalkiisu waxa uu ka turjamayaa waxa nadaafad la’aan darted haleeli kara basharka Aadamaha, iyadoo arinta la yaabka leh ay tahay in ninkan jidhkiisu adag yahay oo qallayl laga dareemayo inkastoo uu da’ weyn yahay, ma laha hoy mana ogola inuu meelaha nadiifta ah wax ku cuno, isagoo aan cabbin biyaha saafiga ah, waxa uu jecel yahay hilibka caanaqubta bakhtiga ah, sigaar ahaana waxa uu ka dhigtaa saalada ama digada xoolaha oo uu beebka ka buuxsado.
Record-ka noocan ah waxaa hore u haystay oo laga jebiyey nin u dhshay dalka Hindiya oo lagu magacaabi jiray Kailash Singh kaasoo aan wejigiisa iyo jidhkiisa kale toona biyo marin muddo 38 sanadood ah.
Xuseen Aadan Yuusuf (Xuseen Kurdi)
Hargeysa/Somaliland