Dawlada Hoose Ee Degmadda Borama Oo Ka Dhago Adegaysa Dhiska Wadada Xaafada Sheekh Cali Jawhar?

0
448

Sidaynu wada ogsoonahay dhaman shacabka ku dhaqan magaalada waxa magaalada guud ahaan gobolka awdal ka socdey 3 sano ee la soo dhaafey dhismaha jidad badan oo ka hirgaley degaanada gobolka iyo waliba dagmada borama taasi oo lagu horumarinayay bilicda iyo jidadka magaalada Borama waxa jirtey qorshe lagu doonayey in lagu dhamaystiro dhiska jidka sheikh cali jawhar ee ay ka dhex shaqeeyaan buseska ukala goosha suuqa magaalada ilaa xaafada sheikh cali hadaan intaaas ka nimaadno dhiska wadooyinka waxa gudi sameystey gaadiidleyda loo yaqaano(buses) oo iyagu iska dhex doortey gudi ay u xil saareen dhismaha jidka sida aadka ah loogu baahan yahay ee sheikh cali dawlada hoose iyo gaadiidleyda ayaa kawada Hadley sidii loo dhisi lahaa wadadaas muhiimka ah ee  xaafada sheikh cali oo aad ugu dhiban yihiin gadiidka ka dhex shaqeeya goobtaasi waxa la isku afgartey in lacagta ku baxaysa wadadaasi laba qaybood loo qaybsado 50% ay bixiyaan dawlada hoose ee degmada borama 50% in ay iyana bixiyaan intaas ka bacdi waxaa la qabsadey balan si loo soo dhamaystiro lacagtaas kharashka ku bixi doonta wadadaasi dhankii gudiga gaadiidleydu way keeneen .

Qaybtii kaga soo hagaagtey dhinaca dhismaha wadadaasi waxay soo dhamaystireen lacagtaasi mudo laga joogo 2 bilood waxayna taalaa lacagtaasi Xawaalada Dahabshiil oo Account ayaa lagu shubey laakiin ilaa hada warbixin cad lagama hayo dawlada hoose ee degamada ee uu hormuudka ka yahay mayaarka degmada Saleban Xasan Xadi oo ka dhaga adaygaya inuu bilaabo dhismahaasi wadada sheikh cali wuxuu maayirku ku wareerey wado aan aad u mihiim u ahayn ee dhawan la dhamays tirey  wadada garabka ku haysa dhakhtarka weyn ee borama taasi oo dhib weyn ku haysaa bukaanka jiifa dhakhtarka oo dhibsanaya xiinka iyo sawaxanka baabuurta ,hoonku lagu garacayo oo aaney qaadi karayn dadkaasi bukaanka ah ee jiifa dhakhtarka .

Hadaba waxa halkan ka cad in uu maayarku diyaar u ahayn inuu bilaabo dhismaha jidka sheikh cali sobobtoo ah qorshihiisa uguma jirto inuu wadaasi dhiso in badan ayaa laga hadlay inay bilaabaan dhiska wadadaasi  oo diyaar tahay lacagtii gadiidleyda qaybtoodi oo laga laayahay qaybtii dawlada hoose uun meesha ka maqan tahay keliya,si kastaba ha ahaatee maayarka degamada borama ayaa safaro tiro badan ugu baxey dalka dibadiisa isagoo fara madhnaan kala soo noqda meesha uu tago maayirku wuxuu ku jiraa 5 sano oo dalxii ah oo uu u kala gooshayo dalalka bariga afrika .

Waxaan baaq u dirayaa cidii ay khusayso dhika jidkaasi in si karti iyo xushmad ku jirto ay u bilaaban dhiska jid kaasi shekh cali oo in muda ah la sugayey dhiskeda oo wali uu ka cago jiidayo maayarka degmadu sobobta keentay inuu diidan yahay dhiska wadadaasi baadhitaan ha laguy sameeyo cidii ay khuseyso taasi wxaan ku soo gaba gabeynayaa in magalada qashinkii buux dhaafiyey dariiq yadii kaasina sobobi karo xanuuno inay ka dilaacaan magaalada iyo jid xumo hadheeyey magaalada borama golaha degaaka waxaa loo soo doortey inay dhisan magalada ee waa ku burbrurinaya magaalada oo aan dan ka lahay sobobtoo ah waxaabad is oronaysaa malaha u may dhalan gobolka ee daaqada ayay ka soo galeen waayo cid wadaninimo ka muuqataayi ma jirto illahaay ayay daku leeyihiin.

Waxaan maayirka farayaa inuu shaqadiisa qabsado oo uu iska daayo warwareegana oo ku wareerey tansania marna golaha uun bay is haystaan marna safar uun buu ku jiraa wakhtigii wuxuu ku dhamaanayaa isaga oon waxba u soo kordhin magaalada loo soo doortey inuu bilicdeeeda ka shaqeeyo  taasi waxay ku tusinaysaa in doorkii dhalain yarada ee aynu raadin jirney qasaare noqotey madaama aynu ka soo bixi kari weyney masuulayadii golaha deegaanka oo ah howlaha ugu fudud ee la qabto dhianaca dawlaha hoose mar danbe cidi ina dooran mayso hadaynu nahay dhalain yarada Somaliland madaama aynu burbur iyo isqabqabsi ka dhamaan weynay sidaas masuul laguma noqon karo…

W/Q  Abdirashiid Omer Yusuf

Email:Abdirashiid1982@gmail.com