BEEROOLE ITOOBIYAAN AH OO LOO OGOLAADAY INUU INGIRIISKA KU OOGO DACWAD KA DHAN DEEQAHA DALKIISA LOO DIRO

0
443

lodon (Tooshnews/Daily Mail)-Nin u dhashay dalka Itoobiya oo beeroole ah, ayaa loo ogolaaday inuu gudaha wadanka Ingiriiska ka furto dacwad la xidhiidha qaadhaanka Boqortooyada Ingiriisku siiso Itoobiya, isagoo xusay in gargaarkaasi sababay in noloshiisa iyo qoyskiisaba ay baabiiso, dadka danyarta ahna loogu awood sheegto.

Beeroolaha Itoobiya

Sida lagu baahiyey wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa Ingiriiska, ninka Itoobiyaanka ahi waxa uu dadka cashuur bixiyayaasha Ingiriiska ah ku eedeeyey in £1.3 bilyan oo lacagta UK ah muddo shan sanno ah lagu kharashgaraynayey dawlad xisbi kaliya leh oo kumanaan danyar ah ku khasabtay inay dhulkooda qasab ku wareejiyaan, iyadoo loo adeegsanayo dil qudh gooyo ah, jidh-dil iyo kufsi xad-dhaaf ah.

 

Sida ninka dacwada furtay sheegay, Dawladda Itoobiya ayaa dhulka khasab kaga wareejisa dadka mulkiilayaasha ah, iyadoo lacago dheeraad ah kaga qaada dad shisheeye ah si ay ugu hesho gargaarka waddamada shisheeye, arrintaasoo sababtay in ninka beeroolaha Itoobiyaanka ahi Boqortooyadda Ingiriiska ku dacweeyo deeqaha loo fidiyo Itoobiya.

Ra’iisal-wasaaraha dalka Ingiriiska David Cameron, ayaa ku dooday in deeqaha ay u diraan dalka Itoobiya qaybo badan oo ka mid ahi yihiin mag-dhaw loogu talagalay dadka dhulka qasabka lagala wareego, laakiin ninka beeroolaha ah ee dacwada furtay, ayaa ku andacoonaya in lacagta badan ee Itoobiya deeqda loogu diraa ay xad-gudub ku samayso xuquuqal-insaanka dadka Itoobiya.

Ninkan beeroolaha ah waxa uu dawladiisa Itoobiya ku eedeeyey inay burburisay qoysaska ka midka ah kuwa dunida ugu sabool, waxaanay dacwadiisan imanaysa waqti dawladda Itoobiya baadhitaan loogu hayo sidii loogu ogaan laha musuq lagu eedeeyey in ay ku samayso deeqaha la gaadhsiiyo si ay shacabkeeda wax ugu qabato.

Haddii ninkan beeroolaha ah uu dacwadiisa ku guulaysto Wasiirrada Ingiriisku waxay dib u eegi doonaan deeqaha ugu waaweyn ee waddamada kale ee adduunka ay geeyaan sida Pakistan, Rwanda iyo Soomaalya, taasoo ku qasab noqon doonta dawladda Ingiriisku inay bixiso lacagta mag-dhawga ah ee dadka dunidu ka dalbadaan.

Qareenka matalaya ninkan la yidhaa Mr. O oo 33 jir ah waxa uu sheegay in ninkan lagu qasbay in isaga iyo qoyskiisuba u baxsadaan xero qoxoonti oo ku taala dalka Kenya, kadib markii la jidh-dilay, lana garaacay, isagoo isku dayey inuu beertiisa difaacdo.

Qareenku waxa uu intaas ku daray in ninkan aanu raadinayn mag-dhaw, balse uu doonayo inuu loolan adag ka galo deeqaha loo gudbiyo Itoobiya, waxaana magaciisa loo qariyey sababo ammaan aawadood si ay u badbadaan naftiisa, xaaskiisa iyo lix carruur ah oo uu dhalay oo Itoobiya ku nool hadda.

“Ninka aan u doodayaa noloshiisa waxa saamayn ku yeelatay wixii ku dhacay, waxaanay arrintaasi bar madow ku noqonaysaa deeqaha iyo taageerada aanu bixino (Ingiriiska)” ayuu yidhi qareenka ninka u doodaya.

 

Tooshnews/Daily Mail

Source JMG