Qumac Baasuuke oo Duleedka Aqalkoodu kula Qarxay Shan Carruur ah oo Isku Qoys ah

0
453

News1Qorulugud (Toosh News)- ALLE ha u naxariistee waxa shalay walax dhulka hoostiisa ku aasnayd illaa xiligii Taliskii Siyaad Barre oo ku qaraxday ku naf waayay laba nin iyo gabadh isku wada qoys ah deegaanka Bali-burcadle oo 3km dhinaca koonfureed kaga beegan degmadda Qori-lugud ee gobolka Buuhoodle.

Sidaasna waxa xalay khadka Telefoonka ugu xaqiijiyay Wargeyska DAWAN, Guddoomiyaha degmadda Qori-lugud Maxamed Cumar Faarax oo hawlo shaqo u jooga Caasimadda Hargeysa.

Saddexda qof ee ku dhintay walaxdaas qaraxday oo dayaankeeda laga maqlayay masaafo dheer, waxay kala ahaayeen Marxuum-Maxamuud Muuse Cabdilaahi, gabadh ay walaalo ahaayeen oo la odhan jiray Marxuumad-Saynab Muuse Cabdilaahi iyo Adeerkood oo la odhan jiray Marxuum-Cawil Cismaan Mirre.

Sidoo kale waxa qaraxaas dhaawacyo culusi ka soo gaadheen laba qof oo kale oo ay walaalo ahaayeen laba ka mid ah saddexdii qof ee ku dhintay walaxdaas qaraxday, kuwaasi oo dhaawacooda xiligan lagu dabiibayo cisbitaalka weyn ee Magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Guddoomiyaha degmadda Qori-lugud Maxamed Cumar Faarax, ayaanu wax ka weydiinay walaxda qaraxday waxay ahayd, waxaanu yidhi “Walaxdan qaraxday waxay ahayd hubkii dawladii Maxamed Siyaad Barre ku aastay deegaanka degmadda Qori-lugud oo dhan, waxa mar kaliya la maqlay qaraxaas oo aad u xoog weynaa, waxase la rumaysan yahay inuu yahay walax dhulka ku aasnayd. Waxaanan ka xunahay khasaaraha balaadhan ee ka dhashay qaraxa halkaas ka dhacay oo runtii dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmayba ay hal qoys wada yihiin. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Oday Muuse Cabdilaahi Mirre oo saddexda qof ee dhintay laba caruurtiisii ahaayeen, midina uu ahaa inaadeerkii ruma. Waxa kale oo uu dhalay labada qof ee ku dhaawacmay qaraxan.”

“Waxaan Ilaahay uga baryayaa in saddexda qof ee ku dhintay qoyskoodii samir iyo iimaan ka siiyo, iyagana Eebe naxariistii jano ka waraabiyo. Waxaan kuwa ku dhaawacmayna ILAAHAY uga baryayaa inuu shaafiyo,”ayuu yidhi Guddoomiyaha degmadda Qori-lugud.

Guddoomiyaha degmadda Qori-lugud waxa uu sheegay in degmadaas ay Hay’adda miino-saarka ee HALLOTRUST ka wado hawl-gal balaadhan oo ay miinadda iyo walxaha qarxa kaga sifeynayaan deegaankaasi.

“Waxaan idiin sheegayaa Ha’yadda HALLO TRUST ayaa hawl-gal ay miinadda iyo walxaha qarxa kaga sifaynayso ka wada degmadda Qorilugud oo miinadda iyo walxaha qarxaa aad ugu badnaayeen, laakiin halkan qaraxu ka dhacay waa jiida aanay Hay’adu wali gaadhin balse qorshaha ugu jira inay wax ka qabato. Waa la baadhi doonaa nooca walaxda qaraxday waxay ahayd,”ayuu yidhi Maxamed Cumar Faarax

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here