Hargeysa (Toosh News)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta Guddi miisaan leh u magacaabay Xuska sanad-guuradda 23-aad ee ka soo wareegtay markii Somaliland xornimadeedii dib ugala soo noqotay Soomaaliya 18-kii Bishii May 1991-kii.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray afhayeenka Madaxtooyadda Md. Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanu u dhignaa sidan:-
“Mudaneyaal iyo Marwooyin,Sida aad la socotaan waxa foodda inagu soo haya haddii Eebe idmo Xuska sanad guuradda 23aad ee maalinta Qaranimada Somaliland ee 18 May, maalintaas oo mudan xus iyo xusuus gaar ah.
Sidaas darteed, waxa aan mas’uuliyiinta qoraalkani sida tooska ah ugu socdo u magacaabay Guddida heer Qaran ee Qaban-qaabadda Xuska Sanad-guuradda 23aad ee maalinta Qaranimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May.
Haddaba, waxaan Guddida Qaban-qaabadda ka rajaynayaa inay xil qaranimo iska saari doonnaan xuska maalinta 18 May oo mudan qadarin gaar ah. Sidoo kale, Maamullada Gobollada iyo Degmooyinka waxa aan farayaa inay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan.”
Magacayadda Guddida Qaban-qaabada xuska 18-ka May
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Guddoomiye), Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta,Wasiirka Wasaaradda Wax-barashadda iyo Tacliinta Sare, Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta, Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska, Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyadda,La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dadka laga tirada badan yahay, Maayarka Caasimadda Hargeysa, Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac-nac, Mudane, Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), Xubin Ka mid ah Isu-tagga Dallada Hay’adaha Aan Dawliga ahayn (SONSAF).
TOOSH NEWS/HARGEYSA