Hargeysa (Toosh News)- Wasiirka Ganacsiga iyo Maal-gashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda Khaarajiga Maxamed Xasan, ayaa maanta u kicitimay dalka imaaraadka carabta, halkaasi oo ay kaga qeyb galayaan shir sanadle ah oo lagu soo marti qaaday.
“Waxaan ka qeyb galaynaa shir balaadhan oo sanadkiiba mar la qabto oo ay iskugu yimaadaan Wasiirrada dhaqaalaha u qaabilsan dalalka carabta iyo dalalka Afrika, waxaana lagu qabanayaa magaaladda Dubai ee dalka Imaaraadka catabta,”ayuu yidhi Wasiir Maxamed Cabdilaahi oo maanta warbaahinta ugu warramayay madaarka Hargeysa ka hor intii aanu isaga iyo weftigiisu ka dhoofin dalka.
Wasiirka Ganacsigu waxa uu sheegay inay rajaynayaan inay shirkaasi madaxda kala duwan ee ka soo qeyb galaysa ay kala hadlaan dhaqaalaha Somaliland, Fursadaha ganacsiga iyo maal-gashigaba “Waxaan rajaynaynaa madaxda iyo khubarrada shirweynahan ka soo qeyb galaysaba aanu kala hadalno xaaladda ganacsiga Somaliland, fursadaha maal-gashiga. Shirkani waa shir heer Wasiir ah oo magaciisa la yidhaahdo shirka maal-gashiga oo Wasaaradda Ganacsiga iyo dhaqaaluhu sanadkiiba hal mar marti-geliso,”ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiirka Ganacsiga oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku ladhay “Somaliland ahaan farxad weyn ayay noo tahay inaanu shirkaasi ka qeyb galno, waxaanan filaynaa inuu noo suurto-gelin doono inaanu qaddiyadeenna dhinaca horumarinta dhaqaalaha iyo wixii aynu taageero uga baahan nahayba aanu kala xaajoono wufuuda faraha badan ee shirkaas ka qeyb galaysa,” ayuu yidhi Wasiirku.
TOOSH NEWS/Hargeysa