Wasiir Samsam Oo 33-guurada SNM Kaga Dhawaaqday Dhismaha Dugsiga Sare Ee Quulle Aadan

0
390

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Waxbarashadda Iyo Taclliinta Sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa xuska Sanad-guuradii 33-aad ee ka soo wareegtay maalintii lagu dhawaaqay Ururkii SNM, oo lagu qabtay hoolka shaqaalaha dawladda ee magaaladda Hargeisa si rasmi ah ugaga dhawaaqday dhismaha Dugsiga sare ee Quulle Aadan.

quulle21

Wasiirka Waxbarashadda oo ka mid ahayd madaxdii sarsare ee ka sdoo qeyb gashay xuska maalintan taariikhiga ah ayaa ugu horayn ka hadashay qiimaha ay Somalilad ugu fadhido xuska Lix-da April, waxaanay sheegtay in guud ahaan bahda Waxbarashadu ay xil-iska saartay qabsoomida munaasibadan, iyada oo uu hormuud u yahay maamulka iyo macalimiinta Dugsiga sare ee Quulle Aadan, Marwo Samsam waxa ay hadalkeedii ku bilowday.

Dugsiga-Quulle-Aadan“Halkan hortay waxa ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Muj Muuse Biixi Cabdi, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa Dugsiga Quulle Adan, ma jiro dugsi aan bar-bar dhigaa marka aan ka eegno dhinacyada Wadaninimada, Waxbarashada, iyo ka qeyb qaadashada xusaska taariikhiga ah ee kala duwan iyo horumarka dalka, markaa waxaan leeyahay Quulle Aadan Dugsi loo waa, Sidaa daraadeed, aniguna dhankayga waxaan halkan ka cadaynayaa in Dugsiga sare ee Quulle Adan uu dugsiyadda dheer yahay samir iyo dadaal, taana waxa u marag ah in Dugsigani muddo Laba Sanno ah uu dulsaar ku ahaa Dugsiga Hoose/Dhexe, ee Axmed Guray, Annaga oo Dugsigoodii horena ka soo wareejinay, Sidaas oo tahay, Dugsiga sare ee Quulle Adan muddadaaba si gobanimo leh ayuu noo sugaayay, waxaan saaka halkan Maamulka,Macalimiinta iyo Ardaydda hortayda taagan ugu bushaaraynayaa in sida ugu dhakhsaha badan aan dhismihiisa u bilaabayo Dugsi qiimo leh oo idiin qalma oo wax waliba u dhamaystiran yihiin, waxaan mar labaad idinku bogaadinayaa dadaalka dheeraadka ah ee aad dheer tiihiin Dugsiyada dhigiina ah,”ayay tidhi Marwo Samsam.

quulleDugsiga sare ee Quulle Adan Secondry School, ayaa had iyo jeer ay caado u tahay in uu ka qeyb qaato xusaska munaasibadaha taariikhiga ah ee Somaliland iyo weliba ka qeyb qaadashada horumarka dalka, isaga oo ku suntan in uu yahay Dugsigii u horeeyay Jamhuuriyadda Somaliland ee ku yabooha qaadhaankii ay Dugsiyada dalku kaga qeyb qaateen qaadhaankii lacag ururinta wadadda Ceerigaabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here